Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo oo dib hawada ugu soo noqotay kadib markii ay 24 saacadood ka maqneyd

Cabirka Farta

Jimco, October 24, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay dib hawada ugu soo noqotay Isgaarsiintii Magaaladaas Baydhabo oo muddo 24 saac ah maqneyd.

Guddiga Ammaanka Gobolka Bay ayaa amar ku bixiyay in la demiyo Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo, iyagoo sheegin sababta ay arrintaas uga gol leeyihiin. Dad ku sugan Magaalada Baydhabo oo aan la xiriirnay  kadib markii ay Isgaarsiinta dib u soo noqotay ayaa waxay sheegeen in ay jiraan warar soo gaaraya oo sheegaya in Isgaarsiinta looga demiyay sabab la xiriirta dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka jiray  Magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Isgaarsiinta laga demiyay Magaalada Baydhabo ayaa waxay saameyn ku yeelatay Dad ku dhaqan magaaladaas, kuwaasi oo ka go’doomay Gobollada kale ee Dalka, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid dibadda kala soo xiriiri kartay.

Sidoo kalena sameyn kale oo ay arrintaas ku yeelatay Dadka Baydhabo ayaa waxay ahayd iyagoo waayay adeeg koronto oo ay ka heli jireen Shirkadaha Isgaarsiinta ee shaqada laga joojiyay.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bay, kaasi oo ku aadan Isgaarsiinta uu hawada ka bixiyay, inkastoo ay dhici karto in uu waqtiyada soo socda ka hadlo.

Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo u diyaargaroobaya sidii ay ugu kicitimi lahaayeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu 27-ka bishan ka bilaabanayo shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Ururka Goboleedka IGAD.

Magaalada Nairobi waxaa horay ugu sii sugnaa Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka ee kala ah Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Cusmaan Cilmi Boqorre, iyadoo maalmaha soo socdana ay Nairobi gaari doonaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia