Jimco, October 24, 2008(HOL): Inta la og-yahay 3 ruux ayaa ku dhaawacantay Dagaal saacado badan qaatay oo gelinkii danbe ee shalay ku dhexmaray labo Maleeshiyo beeleed Tuulada Macaan-qaale oo qiysaastii 13-km u jirta Magaalada Beledweyne.
Dagaalka labada dhinac ayaa qarxay kadib markii in muddo ah uu ka dhex taagnaa muran dhinaca deegaanka ah kaasoo keenay in uu markii dambe isku bedelo gacan-ka-hadal, waxaana wararku intaas ku darayaan in markii uu dagaalku qarxay kadib halkaas isaga carareen dadkii rayidka ahaa oo ka cabsi qaba in waxyeello ka soo gaarto iska horimaadka labada dhinac.
Laakiin waxaa markii dambe tuulada u gurmaday Ciidamo ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne kuwaasi oo markii ay gaareen goobta lagu dagaalamay ku guuleystay in ay kala dhexgalaan dhinacyadii diririta u dhaxeysay.
Saraakiisha Ciidamada Midowga Maxkamadaha ee gaaray Tuulada ayaa ku wargaliyay Odayaasha Deegaanka in ay dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya si looga fogaado dagaal mar kale dhaca.
Dhinaca kale wararka laga helayo Degmada Ceel-Cali ee gal-beedka Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Maamulka Degmada iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka.
Khalaafka ka taagan Degmada Ceel-Cali ayaa ah mid ku saleysan dhismaha maamul la doonayo in loo sameeyo kaasoo ay ku gacan seyreen Mas'uuliyiintii horay u hayay Maamulka Degmada.
Inkastoo uu jiro warkan ku saabsan maamulka lagu wado in laga dhiso Degmada Ceel Cali ayaa haddii lagu guuleysto waxaa la oran karaa waa tallaabadii ugu horeysay oo ay qaadaan Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee gacan ku haya Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia