Madaxwaynaha DGPL oo ka tacsiiyay Askar ku dhimatay Hawlgal ay Ciidamada Puntland ku soo furteen Markab ay af-duubteen Kooxo Burcad Badeed ah

Cabirka Farta

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland-Jen. Cadde Muuse Xirsi
Talaado, October 14, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi General Cade ayaa ka tacsiyeeyay askar ka tirsan Ciidanka Booliska  DGPL, kuwaasi oo ku dhintay hawlgal lagu soo furtay Markabka Waa’il oo u rarnaa Ganacsato Somaaliyeed , kaasi oo horaantii todoobaadkii hore ay afduubteen kooxo Burcad Badeed ah.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Bilad Sharaf la siin doono Askartii ka qayb qaadatay Hawl galkaasi, isla markaana darajooyin la dalacsiin doono halka kuwa dhintay la bixin doono Magtooda.

Hawlgalka lagu soo furtay Markabkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Seddex ka tirsan Ciidamada Booliska DGPL , waxaana ay Ciidamada gacanta ku soo dhigeen Toban ka tirsan Burcadii af-duubka u gaysatay Markabkaasi.

"Uma dul qaadaneyno in amnigeena ay waxyeello soo gaarto ,waxaana caalamka u sheegaynaa in Puntland uu yahay Maamul Awood leh" Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha DGPL  Jen Cadde Muuse.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ka codsaday in Puntland laga taageero la-dagaalanka Burcad Badeedka oo waqtiyadii u danbaysay si aad ah ugu soo badanayay xeebaha Puntland.

Maamulka DGPL ayaa dhawr jeer oo hore ku guulaystay Hawl gallo caynkaan oo kale ah, iyadoo hadalka Madaxwaynaha uu ku soo beegmayo xili Burcaddu ay si aad ah ugu soo bateen xeebaha Gacanka Cadmeed iyo kuwa Soomaaliya.

Madxwaynaha ayaa rajo ka muujiyay in tallaabada ay Ciidamada Puntland ku soo furteen Markabkan ay hakin doonto af-duubyo hor leh oo ka dhici lahaa xeebaha Gacanka Cadmeed.
 
Ugu dambeyntiina, tallabada ay qaadeen Ciidamda Maamulka Puntland ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Maraakiib badan lagu heysto Xeebo hoos-yimaada Maamulka Puntland, iyadoo maraakiibtaasna uu ku jiro mid uu Hub ku raran yahay oo ay ilaalo ka hayaan Maraakiib Reer Galbeed ah.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia