Dagaal ka dhacay afar Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Talaado, October 14, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalkaasna uu ka dhacay afar degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Wardhiigley iyo Kaaraan, wuxuuna dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Dagaalkan oo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee uu geystay ayaa hadana dhinacyada uu dhexmaray waxay kala sheegteen guulo ay dagaalka ka gaareen, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin cid labada dhinac ka madax-bannaan oo xaqiijisay khasaaraha Dagaalkaas ka dhashay.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Ciidamadooda ay saaka weerarro ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Cali Kamiin, Ceymiska, Warshadda Baastada,Warshadda Xeyla Bariise, Fagax iyo Jamhuuriya, wuxuuna caddeeyay in halkaas jab ugu geysteen ciidamadii ay ku weerareen.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo ka hadlay dagaalkii saaka Muqdisho ka dhacay ayaa isna wuxuu sheegay guulo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka gaareen Dagaalkii saaka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay rag badan ka dileen xoogaggii soo weeraray, kuwaasi oo uu sheegay in ay meydadkooda yaalliin qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid.

Dhanka kalena wararka naga soo gaaraya Goobaha Caafimaadka, gaar ahaan Isbitaallada Madiina iyo Keysaney  ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba oo isbitaalladaas la gaarsiiyay.

Cali Cadde oo ka mid ah howl-wadeennada Isbitaalka Madiina ayaa wuxuu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay Isbitaalka la geeyay dad dhaawac ah oo tiradooda gaareyso 30 ruux, kuwaasi oo 4 ruux oo ka mid ah ay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray, isagoo weliba xusay in dadka dhintay uu ku jiray Prof. Castro oo ka mid ahaa aas-aasayaasha Jaamacadda Muqdisho, Macallin-na ka ahaa Jamaacaddaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia