Dugsi Hoose oo laga hergaliyay Deegaanka Halgan ee G/Hiiraan

Cabirka Farta

Talaado, October 14, 2008(HOL): Deegaanka Halgan oo qiyaastii 75-km kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa laga hirgaliyay Dugsi Hoose oo ay wax ka bartaan in ka badan 130 Ardey ah kuwaas oo da'doodu aad u hooseyso.
 
Maamulaha Dugsiga Hoose ee Halgan Axmed Cumar Jimcaale oo ay HOL la kulantay ayaa sheegay in furitaanka Dugsiga gacan weyn ka geysteen Rag isu tagay oo ku nool dalka dibadiisa kuwaas oo sida uu yiri markii horeba wax ku bartay Dugsiga hadda mar kale dib loo furay.
 
Waxaana uu intaa ku daray Maamuluhu in Macalimiinta wax ka dhigta Dugsiga ay  yihiin kuwo laga soo xushay Dugsiyada Waxbarashada ee ku yaala Magaalada Beledweyne halka qaarkoodna ay ka soo baqooleen Magaalada Muqdisho, isaga oo intaas raaciyay in Mushaarka Macalimiintaa ay bixiyaan Dhalinyarada u istaagtay in mar kale Waxbarashada deegaanku dib u bilaabato.
 
Sidoo kale Maamuluhu waxaa uu sheegay in hadda uu socdo dadaal ay wadaan in ay aqoonsi uga raadiyaan Dugsiga Dalladaha Waxbarashada ee Dalka kuwaasoo uu sheegay in qaarkood uu hadda wada hadal u socdo.
 
Ustaad Gure oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta Dugsiga hoose ee Halgan isla markaana ii sheegay in uu macalin soo ahaa in ka badan 30 sano ayaa ka warbixiyay sida uu yahay fahamka Ardeyda isagoo tilmaamay in faqi weyn uu u dhaxeeyo Ardeyda wax ka barata Dugsiyada ku yaala Magaalada Beledweyne iyo kuwa hadda uu gacanta ku hayo " Annagu aqoonteena waxaa ay na bareysaa in marka Canugu heysto Nabad-galyo iyo nolol ku filan fahamkiisu yahay mid wax badan ka gedisan kan ku nool dhulka aysan Nabad-galyadu ka jirin, Marka waxeynu dhihi karnaa Ardeyda halkan wax ka barta waa kuwo Maskax furan una diyaar ah in ay waxbartaan” ayuu yiri Ustaad Guure.
 
Ardeyda oo isugu jirta Wiil iyo Gabdho intaba waxey aad ugu faraxsan yihiin Waxbarashada ka bilaabatay deegaankooda" Sumayo oo ka mid ah Ardeyda wax ka barta Dugsigga ayaa u sheegtay HOL in markii hore qorshaheedu ahaa in ay u wareegto Magaalada Beledweyne si ay Waxbarasho uga bilaawdo, laakiin waan ku faraxsanahay in  deegaankii ay ku noolaa Waxbarashadu ka bilaabato.
 
Yuusuf Dhoorre oo ka mid  Guddiga Waalidiinta Dugsiga Hoose ee Halgan ayaa sheegay in Iftiinka Waxbarasho ee u bilawday uu yahay mid laga dareemayo guud ahaan Deegaanka '' Wallaahi marka aan Runta sheego Anigu horey waxba uma soo baran, hase ahaateen marka aan arko ardeyda iyo Muuqaalkooda qurxoon mar marka qaar waxaan ku fikiraa hadda ma u qalab qaadataan Waxbarashada” ayuu ku kaftamay, isaga oo dhinaca kalena u mahadcaliyay intii isku taxlujisay in Caruurtu Waxbarsho hesho.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Gobalka Hiiraan waxaa muuqanaya in uu yahay mid hadda ka soo kabanaya baahida dhinaca Waxbarashada ah, waayo waxaa ay indhahaagu qabanayaan Dugsiyo waxbarasho oo laga hergaliya min Tuulo ilaa Degmo taasoo la oran karo waa mid ugu yaraan wax ka tari karta dhismaha mustaqbalka danbe ee Ilmaha yar.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia