Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u dabaal-degay sanad-guuradii 4aad ee ka soo wareegatay markii loo dhaariyay xilka Madaxweynenimada

Cabirka Farta

Talaado, October 14, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu u dabaal-degay sanad-guuradii 4aad ee ka soo wareegatay markii xilka madaxweynimada Soomaaliya loo dhaariyay.

Xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa munaasabaddaas lagu weyneeyay, waxaana halkaas saxaafadda kula hadlay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Maxamed Maxmuud (Xuub-sireed) oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xafiiska madaxweynaha iyo waxa uu qaban doono inta uga harsan waqtiga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xuseen Maxamed Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed ay wax badan qabatay, isagoo waxyaabihii ay qabatayna ka xusay dib u heshiisiin uu sheegay in ay la gashay mucaaradka dowladda ka soo horjeeda.

“Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan, isla markaana ay nabadda iyo dib u heshiisiinta taageeraan”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed oo sheegay in waqtiga u harsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii dalka nabad iyo dib u heshiisiin loogu soo dabaali lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mudada jiritaankeeda uu ka harsan yahay sanad wax aan dhameyn ayaa waxay waqtigeeda intiisa badan ku soo qaadatay khilaafaadyo soo kala dhexgalay madaxdeeda sare iyo weliba dagaallo aan dhamaad lahayn oo ay la gashay xoogag ka soo horjeeda.

14-kii Oktoobar 2004 ayay ahayd markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed loogu dhaariyay garoonka Kasarani Stadium ee Magaalada Nairobi xilka madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna maalintaas madaxweynaha sheegay in wixii uu horay u soo ahaaba maalintaas kadib loogu talagelayo in uu yahay nin nabadeed, weliba wuxuu kaloo bixiyay ballanqaad ahaa in uusan meel iska fariisan doonin balse ay arrinta noqon doonto in uu geeriyoodo isagoo xilka loo dhiibay gudanaya iyo in haddii lala shaqeyn waayo uu xilka Baarlamaanka ku wareejin doono, si markaas uu u doorto ciddii wax qabaneysa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia