Culumaa’udiinkii dhexdhexaadinta ka dhex waday dhinacyada Maxkamadaha Islaamka oo dhaliilay Heshiiskii Jibouti

Cabirka Farta

Jimco, November 28, 2008(HOL): Culumaa’udiinkii sheegay inay u istaageen in ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada Maxkamadaha Islaamka ee is-khilaafsan ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen in ay ka soo horjeedaan heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Dalka Jibouti Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo culumaa’udiinkan madax u ah ayaa sheegay in heshiiskaas ay u arkayaan mid aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka, wuxuuna intaas ku daray in aysan bannaaneyn in ay dad gaar ah isku gooni yeelaan aayo-ka-talinta dalka Soomaaliya.

Shiikh Bashiir waxaa kale oo uu sheegay in aysan sidoo kale bannaaneyn in wax lagu darsado sida uu hadalka u yiri Kooxihii Dalka  Soomaaliya ku hoggaamiyay ciidamada shisheeye ee dhibaatada badan geystay kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan caddeynin in ay ka soo laabteen gefafkii ay galeen.

Intaas kadib Shiikh Bashiir waxaa uu sheegay in ay Culumaa’udiin ahaan talo ku soo jeedinayaan:

In la xaliyo khilaafaadka ku kala dhex jira dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta ama Maxkamadaha Islaamka.

In la xaqiijiyo in ay  Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana aan la keenin Ciidamo kale oo hor leh.

In Culumaa’udiinkooda ay weli ku taagan yihiin qabashada shirkii ay ku dhexdhexaadinayeen dhinacyada Maxkamadaha Islaamka.

In Dowlad kasta oo loo soo dhisayo Soomaaliya ay  noqoto mid wada hadal ku timaada, isla markaana uu Dastuurkeeda noqdo Shareecada Islaamka.

In Mujaahidiinta ka dagaallameysa gudaha Soomaaliya ay is-xakameeyaan, isla markaana aysan sameynin ficillo dhibaato hor leh horseedi kara.

Ugu dambeyntiina, Culumaa’udiinkan waxay ka digeen in la gaaleysiiyo ama xoolahooda iyo dhiiggooda la banneysto xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee heshiiska awood qeybsiga ah la gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in aysan arrintaas ahayn mid sax ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia