Jimco, November 28, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen guriga Xayir Goley oo ah madaxa Hay’adda ICRC ee Gobolka Bay.
Weerarka lagu qaaday guriga Sarkaalkan u shaqeeya Hay’adda ICRC oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa wuxuu geystay dhaawac soo gaaray mid ka mid ah ilaaladii guriga, kaasi oo haatan dhaawaciisa lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Bay oo qaraxaas kadib tegay guriga Sarkaalka u shaqeeya ICRC ayaa waxay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha u dhow gurigaas, hayeeshee ilaa iyo haatan lama soo sheegin cid ay howlgalkoodaas ku soo qabteen.
Qaraxaas ayaa wuxuu ahaa midkii seddexaad oo muddo 24 saac gudahood ah ka dhaca Magaalada Baydhabo, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo shalay gelinkii dambe ay labo qarax ka dhaceen gudaha Baydhabo, kuwaasi oo geystay dhimashada labo ruux iyo dhaawac 15 ruux ka badan oo isugu jira dad rayid ah iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo qaraxyadaas loola dan lahaa.
Mar sii horeysay ayay ahayd markii bambo gacmeed lagu weeraray guri uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Sarkaal kale oo u shaqeeya Hay’adda ICRC, kaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Xasan Mursal, inkastoo xiliga gurigiisa la weerarayay sarkaalkan uu dalka ka maqnaa.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay dhawaanahan noqotay mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn, waxaana joogto uga dhaca dilal, qaraxyo iyo mararka qaarkood iska hor-imaadyo, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax tallaabo ah oo uu arrimahaas amni darrada ah ka qaaday maamulka Gobolka Bay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia