Ciidamada Maamulka Islaamiga Gobalka Hiiraan oo Xalay Rasaas Culus ku riday mid ka mid ah gaadiidka Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Gobalka

Cabirka Farta
 Jimco, November 28, 2008(HOL):Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Gobalka Hiiraan ayaa xalay Saacadu markey aheyd 9:30 waxaa ay rasaas culus ku rideen mid ka mid ah gaadiidka Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan, kadib markii uu gaarigu isaga oo aan wax digniin ah bixin sida wararku sheegeen gudaha u galay xeryo ay dagnaayeen Ciidamada.
 
Dhawaaqa rasaasta oo si weyn looga wada maqlay Xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay ayaa sababtay dhaawaca mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo noociisu ahaa (Toyota Surf), waxaana qofka dhaawacmay markii danbe la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada halkaa oo lagu daweynayo.
 
Waa markii ugu horeysay oo si lama filaan Ciidamada Maxkamaduhu rasaas ugu ridaan mid ka mid ah gaadiidka Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Goballka, waxaana arintani ay muujineysaa foojignaanta dheeraadka ah ee waqtiyadii ugu danbeeyay ay ku jireen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Goballka Hiiraan.
 
Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar is-khilaafsan oo ka hadlay socdaal dhawaan Tuulada Beer-gadiid oo ka tirsan Degmada Mataaban uu ku tagay Duqii hore ee Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise ( Aadan Garaaso) oo ka mid ahaa Xubnaha Maamulkii ugu danbeeyay ee Dowladda Federaalku u soo dhistay Gobalka Hiiraan.
 
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Aadan Garaaso ay isku arkeen Tuulada Beer-gadiid qaar ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga Gobalka Hiiraan inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay ka wada hadleen Aadan Garaaso iyo Saraakiishii ay is arkeen.
 
Sidoo kale waxaa ay wararku intaa ku darayaan in Socdaalkii dhawaan uu ku tagay deegaanka Beer-gadiid  Aadan Garaaso ay ku weheliyiin Ciidamo Itoobiyaan ah sida HOL ay u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
 
Tuulada Beer-gadiid ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ay u muuqtay goob istiraatiji u ah dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya, waxaana dhawaan halkaa booqday Xubno ka tirsan Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia