
Jimco, November 28, 2008(HOL): Tababarkan oo maanta ka furmay Hotelka 680, ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay'ada SOFEX, ee Isbaheysiga Xuriyatul Qowlka , waxaaana loogu talo in ka badan Labaatan Saxafi oo ka mid ah kuwii ka soo qaxay Wadanka Somalia, in mudo ahna ku sugnaa Dalka dibadiisa.
furitaankii tabarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas'uuliyiin ka socday Dowladda Federalka ah ee somalai, Midowga Yurub, Hay'adda CIDA, iyo Mas'uuliyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay furitaanka Tabarkan, waxaana hadal gaaban oo uu halkaasi ka jeediyey Xiriiriyaha Isbaheysiga Xoriyadda Hadalka Mudane Cismaan Muxudiin Tahliil Shaatax, ayaa Tabarkan ku tilmaamay in uu ahaa mid in mudo ahba laga shaqeynayey sidii Saxafiinta ku sugan Magaalada Nairobi aqoontooda kor loogu qaadi lahaa, ayna u heli lahaayeen fursado waxbrasho.
Tahliil shaatax waxa uu sheegay in Ujeedada Tabarkan in ay tahay sidii loo caawin lahaa Saafiyiinta Dalkoodii ka soo barakacay loona xoojin lahaa xuriyada Hadalka, waxa uu aad ugu dheeraaday Muhiimada uu Tababarkan leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in looga faa'iideysto, isaga oo si gooni ah ugu mahadceliyey hay'adda IMS, International Media Support, oo maalgalisay Tabarkan Saxaafadeed waxa uuna si weyn ugu amaanay doorkii ay ka qaaday IMS sameynta Xeerka Saxaafada, iyo gacan siinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
"Halkani waxaa joogo Illaa Lixdan Saxafiyiin ah oo aqoontoodii iyo khibradoodii halkan la joogo, maantana somalia kama maaranto tiro intaas la eg oo saxafiyiin ah, waxaana tababarkan muhiimadiisu ay tahay in aysan ka niyad jabin Mihnadooda Saxaafadeed, waxaana rumeysnahay in ay halkan todobaadyada la joogo aad qaadan doontaan aqoon iyo khibrad aad ka faa'iidi doontan ayuu yiti Tahliil Shaatax.
Xiririiyaha isbaheysiga Xuriyadda Hadalka Cismaan Tahliil Shaatax waxa uu sheegay in uu rumeysan yahay Saxafiyiinta in lagu xadgudbay, inkastoo la sheego in iyana ay qeyb ka ahaayeen dhibkii dhacay, hase yeeshee waxa uu ka qeybgalayashii Tabarkan uu ku dhiiri galiyey in aqoonta ay korarsadaan ay dib ugula noqdaan wadanka Somalia, isaga oo hadal gaaban oo khudbadiisii ah ku soo afjaray taas oo uu ku yiri, Hadaad Doorateen Xirfadan Saxaafadeed waa howlwanaagsane shacabkiina daacadnimo ugu adeega.

Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federalka ah ee Somalia Prof Maxamed Cumar Dalxa oo isna halkaasi ka jeediyey Khudbad taabanaysay dareenka Saxafiyiintii maanta Tabarka u furmay ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Isbaheysiga Xoriyada Hadalka ee tabarkan soo qabanqaabisay, isaga oo Howlaha Saxafiyiinta Somaliyeed ku tilmaamay in ay ahaayeen halbowlayaashii Umada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka soo foodsaaray taas oo uu sheegay in ay tahay kuwo ay la qeybsanayaan Bulsha weynta Soomaaliyeed ee kale.
Prof Dalxa waxa uu ku celceliyey Howsha Saxaafada in ay tahay mid aad dunida looga jecel yahay mudnaana ku leh, isaga oo xiliyadii hore ama dunida maantaba tilmaamay in ay adag tahay sida loo soo saaro Saxafiyiin ku hubeysan aqoon , hase yeeshee maanta somalia ay horumar ka gaartay dhinaca Saxaafada, waxa uuna u rajeeyey Saxafiyiinta in ay aqoonta ay ka faa'iideysanayaan saaxiibadooda gaarsiiyaan.
waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Marti sharaf ay ka mid ahaayeen jane Rame oo Midowga yurub ka socotay, iyo mas'uul kale oo isna ka socday CIDA laguna magacaabo Abduba, Dr Cadde Gaaboow Gudoomiyihii Hore ee gobalka Banaadir, Abwaan Cali Abdi guure iyo Masuuliyiin kale, wax ayna dhamaantood muujiyiin sida ay ugu faraxsan yihiin SOFEX gacanta ay siineyso Saxafiyiinta soomaaliyeed.
Saxafiyiinta Tabarkan ka qeybgaleysa oo gabdha iyo wiilal isugu jira ayaa waxa ay ka soo barakaceen Wadanka Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana Saxafiyiintaas tan iyo markii ay soo qaxeen aad u yaraa Hay'adaha ka warqabay ee Tabarada ama kaalmooyinka kale siiyo, hase Yeeshee waa SOFEX ayaa haatan waxa ay balan qaaday in ay Saxafiyiinta ku hubeyn doonto aqoon saxaafadeed oo keeni doonto in ay door firfircoon ka qaataan nabad ku soo dabaalida wadanka somalia.
C/raxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi)
[email protected]
Nairobi, Kenya