Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo ka hadlay Taariikhdii Marxuum Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo xalay Qaahira ku geeriyooday

Cabirka Farta


Khamiis, November 20, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa maanta wuxuu isugu yimid shir deg deg ah oo uu uga hadlayay geeridii ku timid Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo ahaa halyey Isboorti oo si weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.

Isu imaatinka xubnaha Gos iyo Dad Isboortiga Soomaaliyeed ehel u ah ayaa waxaa looga hadlay taariikhdii Isboorti ee Faarax Sendiko, waxaana halkaas ka hadlay Khubarro Isboorti oo ay marxuumka soo wada shaqeeyeen iyo kuwo uu ka dambeeyay in ay soo caan-baxaan.

Ugu horeyn waxaa isu imaatinka ka hadlay Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin oo sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa halyey Isboorti oo taariikh ku leh Caalamka, gaar ahaan Afrika iyo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in aan taariikhdii Faarax Sendiko lagu soo koobi karin hal isu imaatin.

Intaas kadib Faarax Cali Macallin waxaa uu mas’uuliyiintii Isboorti ee ay soo wada shaqeeyeen iyo cid kasta oo wax ka tirsaneysay Faarax Sendiko uu ka codsaday in ay iska cafiso, ayna ugu duceyso in uu Jannadii ka waraabiyo.

Waxaa hadlay oo isna cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur (Mugambe) oo sheegay in markii ay soo gaartay geerida Faarax Sendiko ay si weyn uga naxeen, wuxuuna sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa Aabbaha Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in uu ahaa aas-aasaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

“Tan iyo sanadkii 1978-kii ilaa 2002 oo ay FIFA ganaaxday Faarax Sendiko wuxuu ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, mudadaas dheerna wax weyn ayuu ka soo qabtay Kubadda Cagta Soomaaliya iyo weliba Afrika iyo Adduunka”ayuu yiri Saciid Mugambe oo sheegay in isagoo wakiil ka ah Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uu tacsi u dirayo qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday.

Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay oo lagu sharfay in uu taariikhdii Faarax Sendiko wax ka yiraahdo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Tigwaandhowga iyo Kararteega Aweys Orofeeyo, wuxuuna sheegay Aweys Orofeeyo in Faarax Senidko uu ahaa nin dhiirigelin jiray Bahda Isboortiga Soomaaliyeed,  si gaar ahna wuxuu u xusay in uu Faarax Sendiko ka dambeeyay in uu noqdo Guddoomiyaha Xiriirka Tigwandhowga oo uu ilaa maanta yahay, “Faarax Sendiko waxaa uu dhihi jiray Xiriirka Tigwandhowga ha looga dambeeyo Aweys Orofeeyo, wuxuu ahaa Faarax Alle ha u naxariistee ahaa ninkii ka dambeeyay in aan Xiriirkan madax ka noqdo”ayuu yiri Aweys Orofeeyo oo markii uu intaas yiri oohin is-celin waayay.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Arrimaha Gobollada iyo Dastuurka, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) ayaa isna lagu sharfay in uu wax ka yiraahdo taariikhdii Faarax Sendiko, wuxuuna sheegay Xaaji Colow in Faarax Sendiko uu ahaa ninkii ku dhiirigeliyay in uu Isboortiga Soomaaliyeed soo galo weliba xili uu ka tirsanaa Ciyaartoy Kubadda Cagta ah oo ay lahayd Degmada Boondheere, “Waa waqti dheer oo lixdameeyadii ah waqtiga aan idiin sheegayo, Faarax Sendiko aniga oo ka mid ahaa dhalinyaro xiligaas aad u xiiseyneysay Kubadda Cagta ayuu ii dooray in aan ka mid noqdo Ciyaartoyda Kubadda Cagta Degmada Boondheere, runtiina wuxuu ahaa nin aan dadka liidin oo sare u soo qaada”ayuu yiri Xaaji Colow.

Intii ay socdeen Khudbadihii looga hadlay taariikhda Faarax Sendiko ayaa waxaa ku soo biiray Shiikh Abuukar Huwa oo isku ah Siyaasi, Waxgarad iyo Culumaa’udiin, wuxuuna ka hadlay intii uu ka yaqaanay Faarax Sendiko.

“Aniga Isboortiga ehel uma ahi laakin niyadda ayaan ka jeclahay, sidaas darteed waxaan dhihi lahaa Faarax Sendiko wuxuu naga tegay tegid aan soo noqon lahayn, sida ay dad badan sheegaanna wuxuu ahaa nin caadil ah marka la eego Kubadda Cagta xageeda, bulshada dhexdeedana wuxuu ahaa nin laga helo wixii looga baahdo, qofkii labadaas sifo laga helana waa qof wanaagsan”ayuu yiri Shiikh Abuukar Huwa oo marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo.

Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo si qoto dheer uga taariikheeyay Faarax Sendiko oo ahaa nin ay  muddo dheer soo wada shaqeeyeen.


“Sida deg degta ah ee aan isugu nimid ayaa laga garan karaa sida ay Bahda Isboortiga Soomaaliyeed u jecel yihiin Halyeyga Isboorti ee ka geeriyooday, waxaan Alle uga baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Wiish oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa nin wax weyn u soo qabtay Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in Bahda Isboortiga ee gadaashiisa nool ay yihiin kuwo uu Aabbe u ahaa oo uu soo barbaariyay, “Waan ka wada dheregsannahay wixii uu soo qabtay Faarax Sendiko, mana ahan wax maalin iyo saacado lagu soo koobi karo”ayuu yiri Wiish oo intaas ku sii daray.

“Faarax Sendiko wuxuu noqday Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Guddiga Garsoorayaasha Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kadibna wuxuu uga sii gudbay Cecafa, Cafa ilaa uu FIFA ka gaaray”ayuu mar kale yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in uu Faarax Sendiko ahaa nin Taariikh uga tegay Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu intaas ku daray in Faarax Sendiko uu sidoo kale ahaa Macallin soo saaray Dad Isboortiga Soomaaliyeed laf dhabar u ah, “Runtii Beer ayuu abuuray Faarax Sendiko, Beertii uu abuurayna wey soo baxday”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in meydka marxuumka la keeni doono magaalada Muqdisho, si heer Qaran ahna loogu  aasi doono.









Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia