
Khamiis, November 20, 2008(HOL): Kadib markii aan ka heley Akhabaartii uu soo bandhigay Wariye Muuse Maxamuud Jiisow ayaan markii maqaalkii uu soo baxey ayaan waxaan taleefoonno ka heley dhowr qofood oo Somali ah oo iga codsanaayo inaan wax u qabto gabadhaan soomaliyeed.
Waxaan isku dayey inaan xariir la sameeyo Wariye Musse Maxamuud Jiisow, waxaan la Hadley Muuse iyo Wariye Salaad Xiis oo aan hal mar khadka taleefoonka ku jirney annaga oo kala joogna Muqdisho iyo Minnesota, si aan uga wada hadalno xaaladda canugan.
Waxaan Nasiib u yeeshay inaan la hadlo Dhaqatar Fiqi iyo Dhaqaatiir joogta dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaan heley goor dhawayd oo ahayd 1:45 AM (Waqtiga Minnesota) 11/20/2008-in uu dhaqtar jooga Nairobi uu ogolaadey in uu daaweeyo canugaan balse u baahan yahay in 24 saacadood gudohood lagu soo qaado inta ay burada aysan infection noqonin.
Haddaba si loo badbaadiyo canugaan ( ilaah ayaa wax badbaadiyee) laguna soo qaado 24 saac gudahood waxaan ilaah ka rajaynayaa in Masuuliyiinta Somaliyeed ee jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay wax ka qaban doonaan, inkastoo aan raadiyey iima suurtagelin in aan helo midkood.
Waxaan ka codsanayaa dhamaan umadda Somaliyeed in si ded deg ah loo caawiyo Gabadhaan yar oo qabto cudur aan wax looga qaban Karin dalka gudihiisa.
![]() |
![]() |
| Raxiimo Saney | Xasan Cali |
Ilaa hadda ma haystaan dhaqaale ku filan oo ku soo baxaan, waxaa lay sheegay in tikhka Nairobi oo halkii qof kor u dhaafey 1400 boqol. Madaama galida Nairobi adkaatey. Cid alle cidii u jari karto tikidh faldan hala soo xariiran gabadhahaan Caasha iyo Caabiyo
Waxaana laga hellaa Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota.
Waxaan imansanahay inaan qaadi karno lixdaan qofood with in 24 hour in Kenya. Waana sidaan :Rahima iyo Ninkeeda, Gabadha yar iyo Hooyadeed, Iyo Ninkaan dhibaataysan iyo walaalkiis.
Waxaan rabaa inaan mahad u celiyo dhamaan dadwaynahay Somaliyeed ee iga soo wacay dhamaan dalka gudihiisa iyo dabadiisa.
Abdi Muuse Maaxaay
P. O BOX 8383
Rochester MN 55903
[email protected]

