Khamiis, November 20, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta ku aadan Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Ciidamadan oo ku sugan nawaaxiga Taleefashinkii hore ee Soomaaliya ayaa waxay halkaas ka wadaan howlgallo ay amniga ku sugaan, kuwaasi oo ay guryaha iyo dadka ku baarayaan.
Goobaha ay Ciidamadan Itoobiyaanka ah ku sugan yihiin ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamo Soomaali ah, kuwaasi oo dadka deegaankaas ku dhaqan ay dhibaatooyin kala duwan ka sheegan jireen.
Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Deegaankaas ku sugnaa ay halkaas ku dileen ilaa afar ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ay Ciidamada toogteen iyagoo aanan waxba galabsan.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa xaqiijiyay dhibaatada ay Ciidamadaas geysteen, wuxuuna sheegay in ay arrintaas kala xiriireen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna jawaab ka sugayaan.
Dadka ku dhaqan Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxay walaac ka muujinayaan Ciidamada Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira oo mar kasta gudaha u soo gala Xaafadaha ay ku nool yihiin, kadibna u geysta dhibaatooyin kala duwan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia