Guddiyada Ammaanka iyo Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo saacadaha soo socda ku kulamaya Magaalada Djibouti

Cabirka Farta

Khamiis, November 20, 2008(HOL): Guddiyo Ammaanka iyo siyaasadda qaabilsan oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa mar kale waxay saacadaha soo socda ku kulmayaan Dalka Jibouti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in guddiyo labada dhinac ka kala socda ay Jibouti ku kulmi doonaan, iyagoo sii amba qaadi doona wada hadallo u socday oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda siyaaso iyo ammaan ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in xal loo heli doono mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay dowlad ahaan arrintaas si weyn uga qeyb qaadan doonaan.

Dhanka kalena, Wasiirka oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed  oo ku saabsan in wada hadallada Jibouti  uga socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta laga weeciyo Dalka Jibouti, isla markaana loo bedelo dalka Liibiya ayaa sheegay in arrintaas uu u arkayo mid lagu burburinayo wada hadallada Jibouti uga socda dhinacyada isku haya Soomaaliya.

“Annagu waxaan aaminsan nahay in Jibouti is-af-garad iyo heshiisyo ay ku gaareen Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda, haatanna ay arrimahooda meel wanaagsan marayaan, sidaas darteed waxaan leenahay ciddii ku talineysa in wada hadallada meelo kale loo weeciyo waa cid daneyneysa in baaba’aan miraha ka soo baxaya wada hadallada Jibouti”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddiyada Ammaanka iyo Siyaasadda ee ka kala socda Dowlada Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa ilaa iyo hataan waxay ku guuleysteen arrimo ay ka mid yihiin in Ciidamada Itoobiya ay 21-ka bishan ka baxaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, dhamaadka bisha December ee soo socotana guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Kulanka ay guddiyadan ku yeelanayaan Magalaada Djibouti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinta berri ah ay ku beegan tahay waqti loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhiga, lama oga in Ciidamada ay labadaas maalmood gudahood uga guuri doonaan fariisimadaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia