Sabti, November 15, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu xukun tacsiir ah ku fuliyay dhalinyaro laga soo qabtay goob ay ku caweynayeen.
Shiikh Cusmaan Fiidow oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Balcad ayaa sheegay 32 dhalinyaro ah oo ay ka soo qabteen deegaanno u dhow Degmada Balcad ay xukun tacsiir ah ku fuliyeen, kadib markii sida uu yiri ay faraha ku jireen ficillo munkar ah oo aysan ogoleyn Diinta Islaamka
Shiikh Cusmaan Fiidow waxaa uu sheegay in 32da dhalinyarada ah ee ay soo qabteen ay isugu jireen 25 gabdhood iyo 7 wiil, wuxuuna intaas ku daray in markii ay soo qabanayeen ay caweys tumanayeen.
Haddaba iyadoo uu mas’uulkan u hadlay maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Degmada Balcad uu sidan leeyahay ayaa hadana warar aan ka helnay dad ku sugan Degmada Balcad waxay sheegayaan in dadkani ay ku sugnaayeen goob Aroos ah, inkastoo warkaas uu yahay mid aan xaqiiqo rasmi ah loo heynin.
Deegaannada ay ka taliyaan Maamullada Islaamiyiinta ah ayaa gebi ahaanba waxaanan la ogoleynin in ay dhalinyaro xaflado ku caweeyaan, isla markaana la dhigo Aroosyo music laga tumo, halka ay maamullada qaarkood mamnuuceen in la isticmaalo Qaadka iyo Sigaarka, sidoo kalena shineemooyinka la daawado xitaa ay Ciyaaraha Isboortiga ka socdaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia