![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed |
Madaxweynaha oo la hadlayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu qado ugu sameeyay Hotelka Pinari ee Magaalada Nairobi waxa uu sheegay in Xukuumad ay lahayd Soomaaliya ay dhacday markii ay is-casileen Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddaas, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen.
Madaxweynaha oo qadada uu u sameeyay Xildhibaananda ay ku saabsaneyd in uu uga waramo xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo socdaallo uu ku soo kala bixiyay Dalalka Britain iyo Itoobiya waxaa uu sheegay in amniga dalka uu ka baxay gacanta Dowladda Federaalka, isla markaana ay haatan ku soo koobantay Dowladda Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxaa uu intaas ku daray in intii uu shaqeynayay Maamulkii Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ay Dowladda gacanta ku heysay inta badan ammaanka Dalka, haatanna ay xoogagga ka soo horjeeda la wareegayaan magaalooyin iyo gobollo ay dowladda horay uga talineysay.
Madaxweynaha oo Xildhibaannada la sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay in ay si dhaqsi ah dalka dib ugu noqdaan, isagoo sheegay in ay jiraan howlo badan oo la doonayo in ay wax ka qabtaan marka ay dalka dib ugu noqdaan.
Hadalka uu maanta sii daayay Madaxweyne Yuusuf oo ah mid culus ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay la hadal hayay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, kaasi oo salka ku haya Wasiirro uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu ka soo horjeestay madaxweynaha.
Wasiirrada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa bannaanka ka ah wasiiro iyo wasiir ku xigeenno horay isaga casilay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu Baarlamaanka Soomaaliya horay u diiday in dib loogu soo celiyo xilalkii ay iska casileen, halka madaxweynahana uu door-bidayay in Wasiirradaas jagooyinkoodii lagu soo celiyo.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo isna ku sugan Magaalada Niarobi, isla markaana la kulmay qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa la sugayaa jawaabta uu ka bixiyo hadalka uu sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ah in aysan Dalka ka jirin wax Xukuumad ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
