![]() |
| Maamulaha Guud ee Shirkada Telcom C/rashiid Wacays |
Maamulaha Guud ee Shirkada Telcom C/rashiid Wacays oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Shirkaddaasi ayaa Shacabka Bosaaso ugu hambalyeeyay qiimo dhimistaan, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay adeegyo casri ah oo aan horay loo arag.
Waxaa Shirkada Telcom ay qiimo dhimis ku samaysay Qiimihii gudaha (local Calls) lagana dhigay 0.02 cents daqiiqadii ,taasi oo macnaheedu yahay Macaamiilka hal door ku shubta in uu saaxibkiis la hadli karo mudo hal saac ah.
Qiimo dhimistaan ayaa dhaqan galaysa maalinta barri ah ,iyadoo dhamaan dadwaynaha soomaaliyeed ee ku nool Puntland ay ku raaxaysan doonaan eedeegyada kala duwan ee shirkada Telcom ay soo kordhisay.
Sidoo kale Shirkada Telcom waxa ay hir galisay adeega(Rooming) kaasi oo Card aaad Puntland ka qaadato uu kuugu shaqaynayo dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka somalia, adigoo la hadli kara dalal somalia la dariska ah sida Jabuti ,Ethipia iyo wadama kale oo fara badan.
Dhinaca kale waxaa maamulaha shirkada Telcom Boosaaso uu saxaafada u sheegay in la furayo xafiisyo ay ka adeegayaan dumarka kaliya,si loo ogaado baahida dumarka ee dhinaca adeegyada shirkadda, waxaana arimahaan oo dhan ay ka mid yihiin adeegyada Telcom.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia
