
Sabti, November 15, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa maanta wuxuu guddoonsiiyay Qalab Isboorti oo kala duwan Guddiga Olombikada Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xaflad qalabkaas lagu guddoonsiinayay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo ka dhacday Hotelka Jidda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Aadan Khalaf (Shongole).
Xafladda qalabka lagu guddoonsiinayay Guddiga Olombikada Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu qalabkii ku soo hagaagay Guddiga Olombikada Gobolka Shabeelaha Dhexe uu guddoonsiiyo Guddoomiyaha Guddigaas Maxamed Aadan Shongole oo uu sheegay in uu yahay Rug caddaa Isboorti oo muddo dheer ku soo jiray Isboortiga Soomaaliyeed.
Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu sheegay in qalabka ay siinayaan Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku tijaajibayaan ayna doonayaan in ay ka arkaan iyadoo uu ka jiro horumar Isboorti.
“Guddiga Olombikada Adduunka wuxuu qalabka ku tijaabinayaa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Guddiga Olombikada Soomaaliyeedna wuxuu qalabkan ku tijaabinayaa Guddiyada Olombikada Gobollada Dalka oo uu Gobolka Shabeelaha Dhexe ka mid yahay, waxaana la eegayaa sida loogu horumariyo Isboortiga Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo u mahadceliyay Guddiga Olombikada Adduunka (IOC) oo markii ugu horeysya qalab Isboorti u soo diray Soomaaliya.
Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Aadan Khalaf (Shongole) oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu qalab Isboorti ka guddoomo GOS, wuxuuna intaas ku daray in uu u mahadcelinayo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo Guddiga Olombikada Adduunka IOC oo qalabka Soomaaliya u soo dirtay, wuxuuna ballanqaaday in qalabka lagu wareejiyay uu ku wareejin doono 6 Xiriir oo ka dhisan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo kala ah Fallaar-tuurka, K/Cagta, K/Kolayga, Laliska, Ciyaaraha Fudud iyo Shatranjiga, isagoo xusay in Xiriirka Kubadda Gacanta oo qalabkiisa la guddoonsiiyay uu isna dhaqsi u dhisi doono.
Ugu dambeyntiina, Xafladda lagu qeybinayay Qalabkan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeennada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee kala ah Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Prof. Maxamed Cali Caddow iyo Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow), iyadoo sidoo kalena ay goob-joog ka ahaayeen iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadad Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow).
GOS oo Qalab Isboorti guddoonsiisay 6 Gobol oo ka tirsan Soomaaliya-HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia