
Isniin, 26 May 2008 (HOL): Xaflad loogu wanqalay Gobolka Gabilay ayaa shalay lagu qabtay Magaalo-madaxda Gobolkaas ee Gabilay, taasoo ay ka qayb-galeen, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiye ku xigeenada Golayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre iyo Cadicasiis Samaale, Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha Xisbiga Udub Maxamed Ismaaciil Bullaale, Wasiiro Xukuumadda Somaliland, Xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka, Maamulka Gobolka iyo degmooyinkiisa Saraakiil ka socotay Ismaamulka Soomaalida Itobiya Salaadiin iyo dadweyne aad u fara badan.
Munaasibadan Gobolka cusub loogu wanqalay oo mudooyinkii ugu danbeeyay si wayn abaabulkeedu u socday, waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmada Gabilay Xuseen Jameeco, oo guud ahaanba u mahad-naq u jeediyay cid kasta oo ka soo qayb-gashay xaflada loo sameeyay Gobolka Gabilay. “Aniga oo ku hadlaya afka Gobolka Gabilay, waxaanu idinku soo dhawaynaynaa Mudanayaal iyo Marwooyin Xaflada wanqasha ah ee Gobolkan Gabilay, waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada gacmo furan.” Sidaas ayuu yidhi Xuseen Jameeco.
Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, odayaal iyo wax-garad u badnaa dadweynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley ayaa xafladaa bilogeedii khudbado u badan mahad-naq iyo tusaaleyn mudada magacaabista Gobol-nimada Gabiley la daba socday ka jeediyay. Kuwaasoo ay dhex socotay maaweelo iyo Cayaaro loogu dabaal degayo Gobolka cusub.
Wasiirka Madaxtooyada Nuur Amiin, oo ka mid ahaa xubnaha qabab-qaabada Munaasibadaas, ayaa intaa ka dib xaflada ka sheegay dhawaaq dareenkii madasha badalay. “Waxa weeye cadceed ayaynu fadhinaa, waxaan ku soo dhawaynayaa (Mikrifoonka) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin. Si uu inoogu soo xidho Xaflada” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu, ka dib mahad-naq iyo raali gelin uu u jeediyay martida xafladaa ka soo qayb-gashay ee kuraastu qaadi weyday tiradooda oo aad u badnad darteed. hase ahaatee, arrintaasi waxa si weyn uga soo horjeestay in badan oo ka mid ah dadweynihii munaasibada ka soo qayb-galay, isla markaana waxa ay ku dhawaaqeen “Maya, maya, Guddoomiyayaasha Mucaaridka ayaa hadlaya, ee xaflada lama soo xidhi karo.”
Wasiir Nuur ayaa dareenkaa, kaga soo noqday shacbiga meel uu ka dhaafo waayay ayaa markaa ku dajiyay dadweynaha. “Arrintaa waa la iga cudur-daartay, waxaanan mikrifoonka ku wareejinayaa ninkii xidhiidhinayay xaflada.” Sidaas ayuu yidhi
Intaa ka dib xidhiidhiyihii Xafladu waxa uu codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay dadkii goobta joogay si diiran ugu soo dhaweeyeen sacab iyo mashxarad, socday qadar daqiiqado ah. Axmed-siilaanyo waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Waxa aad iyo aad ugu faraxsanahay, qiimo iyo sharafna noo ah inaanu maanta (shalay) idin kala soo qayb-galo farxada iyo dabaal-dega aynu maanta ugu dabaal-degayno Gobol-nimada Gabilay..” Guddoomiyaha Kulmiye isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waad ogtihiin oo hadaanu nahay Xisbiga Kulmiye ilaa maalintii la aas-aasay Xisbiga marka aanu Gabilay nimaadnaba waxa uu balan-qaadkayagu ahaa anaga oo aan meel kale u gudbin in ay Gabilay noqoto Gobol. Maanta Gobolkii waad haysaan waananu idiinku hambalyaynaynaa, waana idinku taageersanahay, Gobolka Gabilayna aad ayuu uga tilmaamanyahay qaybo badan oo dalkeena ka mid ah, waa Gobol taariikh wayn ku leh, oo xorayntii dalkan Somaliland ayuu kaalin wayn ka qaatay Gobolkani.” Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tilmaamay in Gobolka Gabilay aad ugu fiican yahay dhinaca wax soo saarka, haday tahay beeraha, ganacsiga, xoolaha iyo waxyaabaha la midka ahba. “Waxaanan hubin in Gobolkan maanta ka hor cidi u abaal-guday, marka aad eegto waddooyinkiisa iyo waxyaabaha uu u baahan yahay, illaahayna waxaanu ka rajaynaynaa inuu Gobolkani noqdo mid ay ka muuqdaan horumarkiisa, wax soo saarkiisa iyo wax qabadkiisuba, guul iyo gobannimo ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.
Sidoo kale, waxa isaguna munaasibadaas ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu aad iyo aad u faraxsan yahay, dabaal-dega Gobolka cusub ee Gabilay awgeed. Guddoomiyaha Ucid waxa uu tilmaamay in Gobolkani wakhtigiisii dhaafay, “Wallaalayaal Gobolka Gabilay wakhtigii loo baahnaa wuu dhaafay, laakiin maantana Illaahay mahadii kol hadaynu helay Gobolkii, Gobolka Gabilay maaha mid jujuub ah, ee waa mid xaq ah, haday dawladani bixisay Gobolkan waanu hambalyaynaynaa, horumarkiisana anaga ayaa ka bilaabayna. Wallaalayaal waxaanu jecelahay in Gobolkan Gabilay, Gobolka Boorama iyo Gobolka Oodweyne ay Somaliland quudiyaan, oo ay noqdaan Saladii cuntada ee Somaliland ayaanu doonaynaa Insha Allaah.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu tilmaamay in ay Ucid ahaan hadii ay maamulka qabtaan wax kala qaban doonaan Gabilay wax soo saarka dhinaca beeraha, xayiraada cuntooyinka dalka ka soo baxa ee hadana dalka laga keeno iyo waxyaabaha la beero cashuur dhaafistooda. “Baylah wayn ayaa ka muuqata Gabilay, hadii baylahdan oo kale ku dhacdo Gobolku khasaare ayuu noqonayaa, waana inaad u doorataan dad wanaagsan oo wax idiin qabta, oo aan cashuurta ku qayilin.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Xogahayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale, ayaa sidoo kale sheegay in Gobolka Gabilay uu yahay mid u qalma Gobol-nimada. “Gabilay dawlado badan oo kala dameeyay ayaa soo maray, mid walbaana indhaha ayay ka qarsatay inay qirto ama magacawdo Gobol-nimada Gabilay.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub. Isla markaana waxa uu hambalyo u diray dadka reer Gabilay, dabaal-dega Gobolkooda darteed.
“Gobolkan Gabilay wax badan ayuu u soo halgamayay gobolnimo, waxaana maanta farxad ii ah inaan idinkala soo qayb-galo farxada aad ku jirtaan. Hadaba waxaan leeyahay maadaama la bixiyay Gobolo badan, dabcan Goboladu ha ogaadaan waxa looga baahan yahay, Gobolna marka la qiimaynayo waxa lagu qiimeeyaa dadkiisa, dalka inta uu xukumo iyo wax soo saarkiisa, waana saddexda shay ee hadhaw lagu qiimayn doono Goboladii la bixiyay.” Sidaa waxaa yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu ku dooday in ay reer Gabilay ka soo gudbeen jahaad yar, isla markaana mid wayni u hadhsan yahay, isaga oo u soo jeediyay dadka reer Gabilay in ay soo dhaweeyaan cid kasta oo wax ku soo kordhinaysa Gobolkan. “Waxaan xasuusnahay, oo ay kuu sheegayaan Odayaasha markaad waraysato, dagaalkii labaad ee Aduunku markuu dhacay ee Berberi xidhantay halkan (Gabilay) ayuun baa loo soo doontay Hadhuudhkii. Markaa reer Gabilayaw waxaad ku xisaabtantaan barrigaa dadka idiin imanayay wax yar ayuu ahaa, laakiin maanta dad badan iyo baabuur waawayn ayaa idiin imanaya.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku, waxaanu hoosta ka xariiqay raashin yaraanta dunida ka jirtaa in ay saamay ku yeelanayso Somaliland, isla markaana loo baahan yahay waxyaabaha la quuto ee dibada ka yimaada wixii lagaga maarmi lahaa. Waxa kale oo uu intaa ku daray Axmed Yuusuf Yaasiin, in ay xukuumad ahaan ku talo jiraan inay keenaan Mishiinadda lagu shiido Hadhuudhka iyo Arabikhida.
“Waxaan Somaliland odhanayaa, Somaliland dhul ma kala laha, Magaalo ma kala laha, waxaan ka jawaabayaana waa arrin aan maqlay oo aan xaal ka bixinaayo, ninka reer Somaliland ahi meesha uu doono ayuu Somaliland ka degi karaa, ninka fidmada wada ayuun baana la iska qabanayaa, kaasuumbaana loo yeedhayaa oo la odhanayaa adeer fidmada naga jooji. Waxaan la hadlayaa Caasimada (Hargeysa) ee aan ku dhashay Caasimada waxa soo degaaya khalqiga oo dhan ninka yidhaahda hebalaw ka baxna waa in la xidhaa, waayo waa la camirayaa, oo Washinton cidi malaha, Newyork cidi malaha. Markaa hadaanu reer Hargeysa nahay waxaan ku talinayaa yaan sidii Caasimadaha Bakistaan iyo Nayjeeriya Caasimadeena laga guurin, waxaanan leeyahay cid kasta oo wax haysata soo dhaweeya.”
Axmed Yuusuf, waxa uu ugu bushaareeyay dadweynihii munaasibadaa ka soo qayb-galay, oo uu yidhi, “Insha Allaahu tacaalaa dalkeenu daganaansho ayuu galayaa, Axsaabtii iyo cid walba waa la wada hadlay, wax inaga xumaanayaana ma jiraan ee hore ayaynu umaraynaa, waxaanan rajaynayaa halkan aynu maanta joogno inaynu ka dabaal-degi doono dhawaan wadankeena oo la ictiraafay.” “Waxaan ku soo geba-gabaynayaa kalmadii Madaxweynuhu I yidhi iga dheh, tahniyad balaadhan ayaanu u soo jeediyay reer Gabilay, isaga oo leh kor u socda, oo noolaada, bash-bash iyo barwaaqana ku noolaada.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Axmed Yuusuf Yaasin.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabilay, kuwaas oo guud ahaanba u mahad-naqay Xukuumadda Gobolka bixiysay ee Daahir Rayaale, sidoo kalena waxa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin magacaabida Gobolkan. waxaanay u mahad-naqeen cid kasta oo ka qayb-gashay munaasibada loogu dabaal-degayay Gobolka Gabilay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland