Kulan ay soo qabanqaabisay Dalladda SNDF ee Naafada Somaliland oo lagu lafo-guray caqabadaha dadka Naafada ah ka hor taagan Doorashooyinka Somaliland

Cabirka Farta


Isniin, 26 May 2008 (HOL): Aqoon-isweydaarsi lagaga hadlayay sida looga hawlgali karo caqabada hor taagan dadka Naafada ah iyo kuwa la haybsoocaa ee dhinaca Doorashooyinka soo socda ee Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay Xarunta ururada Naafada Somaliland.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen xubno ka socday ururada Naafada Somaliland, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada iyo dadka la haybsooco, ayaa waxa hirgelinayay Dalladda Ururada Naafada Somaliland ee SNDF, isla markaana waxa maalgeliyay Hay’adda Progressio. Waxaana laga doodayay caqabadaha sharci ahaan ka hor imanaya dadka naafada ah iyo kuwa la hayb sooco, gaar ahaan qoddobada ku jira Dastuurka Somaliland.

Aqoon isweydaarsigan waxa ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda guud ee ururada Naafada Somaliland Mukhtaar Xasan Cabdilaahi, oo ka waramay ujeedada Aqoon-isweydaarsigan iyo sida looga hawlgalayo qoddobada laga dooyayay. Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland. Waxaanu sheegay in Dastuurka ay ku jiraan qoddobo liddi ku ah Xuquuqda dadka naafada ah. Kaas oo qofka Musharaxa ah shuruudaha ku xidhan ay ka mid tahay, inuu jidh ahaan iyo Maskax ahaanba fayow yahay. Hase ahaatee, aanay wax caqabad ah ku haynin Dastuurku dadka la haybsooco, oo aanay ku jirin qoddobo haybsooc ahi.

Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay ku-simaha Agaasimaha ee dalladda SNDF Cabdiqani Ibraahim Xirsi, oo ka waramay muhiimadda aqoon-isweydaarsiyada noocan oo kale ah iyo waxtarka ay ka soo qaybgalayaasha u leeyihiin.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland