Markabkii MV Victoria oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho kadib markii laga soo daayay Kooxo Burcad Badeed ah oo qafaashay

Cabirka Farta

Isniin, May 26, 2008(HOL): Markabka MV Victoria ee dhawaan laga qafaashay Xeebaha Soomaaliya ayaa saaka wuxuu ku soo xirtay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay bed qabaan shaqaalaha iyo rarka saaran.

Markabkan oo dhowr maalmood ay af-duub ku heysteen Kooxo Burcad Badeed ah ayaa wuxuu wadaa Sokor tankeedu dhan yahay 4,200, taasi oo uu ka soo qaaday Deked ku taala Magaalada Mombay ee Dalka India.

Sokorta saaran Markabkan oo ganacsato Soomaaliyeed ay leeyihiin ayaa la filayaa in saacadaha soo socda dejin lagu bilaabo, iyadoo haatanba la diyaarinayo shaqaalihii dejin lahaa.

Markabka MV Victoria oo ka mid Maraakiib waa weyn oo si joogto ah u yimaada Dekedaha Dalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa laga qafaashay Xeebta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo kadibna Burcad Badeedkii  qafaashay ay ula dhaqaaqeen dhinaca Xeebaha Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntiina, Markabkan oo ka diiwaangashan Dalka Jordan ayaa waxaa iska leh Shirkad laga leeyahay Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabka oo magaceeda la yiraahdo Marwan Shiping Company, iyadoo ay ka howlgalaan shaqaale dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalalka India, Bangladesh, Pakistan, Kenya iyo Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia