
Isniin, May 26, 2008(HOL): Booyad ay leedahay Shirkad lagu magacaabo IMC oo shidaal qodis ka wadda deegaanno ka tirsan Puntland ayaa xalay lagu weeraray gudaha Magaalada Boosaaso.
Booyaddan oo ka mid ah gaadiid ay Shirkaddan kala soo degtay Dekedda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa xalay lagu weeraray labo gantaal oo nooca RPG ah, xili ay mareysay nawaaxiga Hotelka Karaama ee Magaalada Boosaaso.
Labadaas Gantaal oo Booyadda lala waayay ayaa lagu soo waramayaa in aysan geysan wax khasaare ah, iyadoo mid ka mid ah labadaas gantaal uu ku dhacay Sandaqad u dhaweyd halka ay Booyadda mareysay.
Saraakiil u hadlay Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan raggii ka dambeeyay weerarkaas, iyagoo rajo ka muujiyay in ay soo heli doonaan, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Weerarka lagu qaaday Booyadda ay leedahay Shirkadda IMC ee shidaal baarista ka wadda Deegaanno ka tirsan Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo arrinta baarista Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland ay tahay mid uu muran ka taagan yahay, tiiyoo weliba ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay sharci darro ku tilmaameen baarista iyo soo saarista Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia