
Axad, May 18, 2008(HOL): Kadib markii la soo gabagabeeyay Shirka Barlamaanka Africa oo ka dhacayay Xarunta Pan African Parliament, oo ku taala Magaalada Johannesburg ee Dalka koonfur Africa ayaa waxaan wareysi dheer Kula yeeshay Xafiiska HOL ee magalada Johannesburg Xildhibaan Ibraahim Xabeeb oo ii sheegay in Qudbadii uu ka jeediyay Xiligii Shirka uu ku caddeeyay in Soomaaliya Xalkeedu uu ku xiran yahay in Ciidamada Itoobiya lagu bedelo kuwo Caalami ah si loosoo afjaro Colaadaha dabada dheeraatay ee Dallka Soomaaliya ka taagan.
Xildhibaanka wuxuu intaas ku daray in guud ahaan dhibaatada ka jirta Africa ay tahay iyadoo uu Xukunka daba dheeraado oo markaasina aan si dhaqso ah loogu bedelin Xukuumadaha ka jira inta badan Qaaradda Africa waxaa uu sheegay in aysan jirin in ka badan 8 ilaa 10 sano wax ka badan oo dib loo doorto.
Mar aan wax ka weydiiyay dhibaatooyin ka jira Gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Xildhibaanada ka soo jeeda ayuu ugu baaqay dhamaan qeybaha Bulshada Gobolka Hiiraan haddii ay ahaan lahaayeen Odayaasha, Ugaasyada,Culimada in ay ka shaqeeyaan Nabadda kuna dadaalaan in la is-fahmo maadaama ay yihiin dad walaalo ah oo Muslimiin-na, isagoo ka digay dilalka macno darrada ah ee Gobolka ka socda.
“Ma bannaana in Qof Muslim ah macno darro loo dilo, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa Dadka Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Dadka Soomaaliyeed in ay khilaafaadyada u dhaxeeya wada hadal ku dhameeyaan”ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur.
Saciid Cabdulle Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa