Guddoomiyaha Isboortiga G/Hiiraan oo wax laga xumaado ku tilmaamay Qoraal lagu daabacay mid ka mid ah Bogagga Internet-ka oo sheegayay in uu iibsaday magacii Isbooritga Gobolka

Cabirka Farta
Axad, May 18, 2008(HOL): Gudoomiyaha Isbooritga Gobalka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Baadiyow) oo xiriir la soo sameeyay HOL ayaa ku sheegay war aan sal laheyn qoraal lagu daabacay mid ka mid ah Bogaga Internetka kaasoo sida uu hadalka u dhigay ay daabaceen shaqsiyaadka ka tirsan bahda Isporitga Gobalka Hiiraan kuwaa oo sheegay in gudoomiyuhu iibsaday Magacii Isboortiga.
 
Cumar Baadiyow waxaa uu sheegay in wax laga xumaado tahay halkii laga wada shaqeyn lahaa hormarka iyo dib u dhiska Isporitga Gobalka Hiiraan in ay soo baxaan shaqsiyaad u taagan sida uu hadalka u dhigay fidinta dacaayado raqiis ah oo marka loo dhabo galo muujinaya sida aan loogu farsaneyn hormarka uu sameeyay Isporitga Gobalka Hiiraan intii uu xalka hayay.
 
Waxaana uu intaa raaciyay in loobahan yahay arimaha in laga eego dhinaca wanaaga isaga oo tusaale u soo qaatay heerka laga gaaray Kubada Cagta Gobalka Hiiraan xili uusan jirin nidaam gacan qabta maamulka Isporti ee jira, "" Anaga ayaa kartideena iyo xoogeena isugu geynay heerka maanta la taagan yahay, waxaase dhihi lahaa kuwa u taagan qoraalada wax lagu bur burinayo in ay ku soo biiraan dadaalka la wado,  waayo maanta uma baahna Isporitga Gobalka qoraalo lagu daabaco Internetka iyo wax la mid ah laakiin waxaa uu u baahan yahay in ficil lala yimaado wax tar leh ayuu yiri Baadiyow oo dhinaca kale sheegay in uu ka warqabo in ay jiraan shaqsiyaad xitaa lacag ku bixiya sidii loo bur burin lahaa dadaalka socda.
 
Gudoomiyaha Isportiga Gobalka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) dhinaca kale waxaa uu ka codsaday qalabka warbaahinta qaarkood in markiiba aysan qaadan wararka la doonayo in wax lagu bur buriyo, "" Aniga shaqsiyan hada waxaan hayaa warar badan oo waliba run ah, hadana ma doonayo in aan wada sheego waayo waxba soo kordhin meyso in aan mar walba arin ka hadlo, marka waa in warbaahintu xaalada ka eegtaa dhinaca wanaagsan ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.
 
Sidoo kale waxaa uu Gudoomiyuhu eedeyn kulul dusha kaga tuuray Jaaliyada Hiiraan ee Londan oo sida uu hadalka u dhigay qeyb-qaadaneysa arimaha ka dhax socda ayuu yiri Gobalka Hiiraan, waxaana uu intaa raaciyay in laftirkooda uu farayo in ay ka shaqeeyaan dhisida Isportiga Gobalka"" Waan soo dhaweynayaa cid kasta oo wax nagu soo biirineysa lakiin uma dulqaadan doono cid kasta oo wax naga dumeysa ayuu yiri Baadiyow.
 
Sikastaba inkastoo la oran karo Bilihii ugu danbeeyay waxaa jiray murano dhinaca Isporitga ah oo ka dhax taagan Maamulka Isportiga Gobalka Hiiraan iyo shaqsiyaad ka tirsan bahda Isportiga, ayaa hadan waxaa in la xuso mudan heerka maanta uu taagan yahay Isportiga Gobalka Hiiraan iyada oo tusaale loogu soo qaadan karo tartankii dhawaan koox ka socda Gobalka Hiiraan kaga qeyb-gashay Cayaarihii Gobalada ee lagu qabtay Magaalada Jowhar kaa oo Gobalka Hiiraan uu ka galay kaalinta Labaad.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia