Axad, May 18, 2008(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in Askarigii ka tirsan Ciidamada Booliska ee la arko isagoo shacabka ka qaadaya lacag baad ah uu muteysan doono xabsi iyo shaqo-ka-ceyrin.
“Askarigii uu falkaas ku cadaato wuxuu muteysan doonaan xabsi iyo in shaqada laga ceyriyo”ayuu yiri Cali Saciid oo shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho-na ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska si buu yiri ay ammaanka u sugaan.
Taliyaha waxaa uu sheegay in aan weli lagu soo wargelin cabashadaas balse haddii ay jirto uu Taliska Booliska ka qaadi doono tallaabo sharci ah, “Shacabka ha nagu soo wargeliyeen haddii ay la kulmaan arrimaha noocaas oo kale ah”ayuu yiri Cali Saciid.
Hadalkan uu sii daayay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay soo kordhayaan cabashooyin ka imaanaya darawallada kaxeeya Gaadiidka BL-ka ah, kuwaasi oo sheegaya in Ciidamo Boolis ah oo taagan qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho ay ka qaadaan lacag baad ah oo aan sharci ahayn.
Ugu dambeyntiina, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu kormeer ku soo sameeyay Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, C/Casiis, Shibis, Shangaani, Boondheere, Wardhiigley iyo Xamar-weyne, wuxuuna sheegay in sababta uu Degmooyinkaas u booqday ay ahayd in uu sii eego ammaankooda iyo sida ay u socdaan howlo nadaafad ah oo laga wado.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia