Axad, May 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaas lagu dilay Nin u shaqeynayay Hay’ad samafal oo ka howlgasha Gobollada Jubbooyinka.
Ninkani la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Baariyow ayaa wuxuu madax ka ahaa Hay’ad lagu magacaabo Horn Relief, taasi oo howlo samafal ah oo kala duwan ka heysay Gobollada Jubbooyinka.
Marxuumka oo lagu hor-dilay gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Far-Janno ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay toogteen seddex nin oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Dilka marxuumka waxaa si weyn uga xumaaday, isla markaana cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo xalay isugu soo baxay guriga marxuumka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dilka marxuumka uu ahaa mid qorsheysan oo la soo abaabulay bacdamaa uu shalay gelinkii dambe ka soo galay safar uu kaga yimid dhinaca dalka Kenya, iyadoo xiliga la dilayayna uusan xitaa soo qaadan boorsooyinkii uu safarka u qaatay.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobollada Jubbada Hoose ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysanayo dadka waxgalka ah ee bulshada u dhaqdhaqaaqa, tiiyoo ay xusid mudan tahay in uusan magaalada ka jirin wax maamul ah oo wax ka qaban kara nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Kismaayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia