Talaado, May 13, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in wada hadallada ka socda Dalka Jabuuti ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya aanu dan u ahayn Umadda Soomaaliyeed.

Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysigs Dib u xoreynta Soomaaliya-Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde)
Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah sida uu u yiri horumarka laga gaaray dagaalka ka socda dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in todobaadyadii ugu dambeeyay gudaha Soomaaliya looga gubay Ciidamada Itoobiya 12 Gaari, 500 oo Askarina la dilay, halka uu tibaaxay in ay ka dhaawacmeen 800 oo Askari.
Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in Wada hadallada ka socda Jabuuti ay yihiin kuwo aan laga talagelin, wuxuuna farta ku fiiqay oo uu ku baaqay in xubnaha Isbaheysiga ee Jabuuti jooga aysan ka qeybgelin wada hadallada ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineyso.
Wareysiga Indha cadde-By: Yuusuf Garaad
Mar la weydiiyay Shiikh Yuusuf Indha-cadde waxa uu ku diidan yahay in xal lagu gaaro wada hadalladaas waxaa uu sheegay in uu ka soo horjeedo inay la fariistaan ergo ka socota Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay iyadu keentay Dalka Soomaaliya Ciidamada Itoobiya.
Hadalka Xoghayah Gaashaandhigga ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ay ka socdaan wada hadallo lagu dhexdhexaadinayo ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo wada hadalladaasina ay yihiin kuwo xal loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Wada hadalladan oo shalay Xaflad furitaan ah loo sameeyay ayaa waxaa horay uga soo horjeestay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan la fariisaneynin Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo inta ay Dalka Soomaaliya joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia