Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Berdaale ee Gobolka Bay

Cabirka Farta

Talaado, May 13, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Berdaale oo ka tirsan Gobolka Bay, iyadoo Maamulkii Degmadaas ka talinayayna uu halkaas isaga baxay.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaas waxay joojiyeen canshuuro laga qaadi jiray Dadka Degmada, sidoo kalena waxay albaabada u laabeen Shineemooyin ay Dadka daawan jireen, iyagoo sidoo kalena qaaday Isbaarooyin yaalay deegaanno dhowr ah oo hoostaga Degmada Berdaale.

Hor-joogayaasha Xoogagga la wareegay gacan ku heynta Degmada Berdaale ayaa Dadka Degmadaas  u sheegay in ay deganaan muujiyaan, iyagoo u sheegay in ay ammaankooda sugi doonaan, isla markaana aysan wax dhibaato ah la kulmi doonin.

Guddoomiyaha Degmada Berdaale Yoonis Cali Dareen ayaa sheegay in markii ay ogaadeen inay ku soo jeedaan Degmada Xoogagga Al-Shabaab ay Degmada isaga baxeen, wuxuuna sheegay in haatan uu ku sugan meel aan u dheereyn Degmada, walow uu ka gaabsaday in uu dib ugu noqon doono Degmada iyo in uu isaga tegi doonin.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhawaanahan waxay la wareegayeen gacan ku heynta Degmooyin dhowr ah oo ku yaala Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana Degmooyinka ay la wareegeen ka mid ah Diinsoor, Qansax-dheere, Ufurow, Buur-Hakaba, Waajid iyo Xudur, inkastoo ay degmooyinkaas ka baxayeen wax yar kadib marka ay qabsadaan.

Sidoo kalena Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa iyana waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyin dhowr ah oo hoos-taga Gobollada Shabeeladaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana Degmooyinka ay gacan ku heyntooda la wareegeen kadibna ay ka baxeen waxaa ka mid ah Beledweyne, Buur-Hakaba, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar iyo Balcad.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan kuwo soo xoogeysanaya marka la eego degmooyinka ay ka talinayeen maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka oo ay qabsanayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia