Gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo hakaday

Cabirka Farta

Talaado, May 13, 2008(HOL): Waxaa gebi ahaanba hakad galay Gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo gaadiidkaasna ay hakad galeen kadib markii ay qeybo ka mid ah Wadadaas ay soo degeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararka  naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay Ciidamo Itoobiyaan ah fariisin ka sameysteen inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Leego, halkaasi oo labo jeer lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah, isla markaana khasaare xooggan loogu geystay.

Dadi Beeraley iyo Xoolo-dhaqato ahaa oo ka dhawaa halka ay fariisinka ka sameysteen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay bilaabeen in ay deegaanadooda ka barakacaan, iyagoo ka baqaya inay dhibaato u geystaan Ciidmada Itoobiyaanka ah.

Shalay ayay ahayd markii ay Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa Deegaanka Leego iyo Degmada Buur-Hakaba, iyadoo halkaasina lagu gubay seddex gaari oo Ural ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka, waa sida uu sheegay Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.

Sidoo kalena, mar sii horeysay ayaa Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxay isla deegaankaas ku weerareen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo markii ay waxyeello soo gaartay toogasho u geystay Dad Rayid ah oo tiradooda gaareysay lix ruux, kuwaasi oo iyagoo aan war heynin ka soo dul-dhacay Ciidamada Itoobiyaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia