Talaado, May 13, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Isbaheysiga Dib u xoreynta in uusan shuruud ku xirin wada hadallada xalka loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Soomaaliya.
Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Ashkir Cabdi oo hoggaaminaya Ergada Dowladda Federaalka u meteleysa Wada Hadallada ayaa sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin Wada Hadallada, isla markaana aysan wax shuruud ah ku xireynin.
“Walaalaheen waxaan ugu baaqeynaa in aysan shuruud ku xirin wada hadallada oo ay u daneeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira, waxaana rajeyneynaa in ay soo baxaan wax ay ku farxaan Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka.
Dhanka kalena, Daahir Maxamuud Geelle oo Afhayeen u ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada Hadallada u jooga Magaalada Djibouti ayaa sheegay in aysan u imaanin dalka Jabuuti in ay wada hadal fool ka fool ah la yeeshaan Ergada ka socota Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in ay wada hadallada la qaadanayaan Qaramada Midoobay oo uu sheegay in ay ka hadlayaan sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa Soomaaliya.
“Ujeedkeenu ma ahayn in aan la kulanno xubnaha Dowladda Federaalka ee waxaa meesha nagu casuumay oo aan wada hadallo la leenahay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay in Ergada ka socota Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo aan wax ka dhihi karin in ay Ciidamada Itoobiiyaanka ka baxaan Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Cidda Ciidamadaas bixin karta ay tahay Qaramada Midoobay.
Hadallada ay jeediyeen mas’uuliyiintan u kala hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo magaalada Djibouti ay ku wada sugan yihiin Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo shalay ka wada qeybgalay xaflad lagu furayay wada hadallo ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineyso oo ay ku yeelanayaan Dalka Jibuouti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia