Arbaco, March 26, 2008(HOL): Waxaa si rasmi ah shalay uga howl bilaabay gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha Ciidamo gaar ah oo dhawaan loo sameeyay Suuqaas, kuwaasi oo haatan lagu arkayo Waddooyinka laga soo galo Suuqa Bakaaraha.
Ciidamadan oo ku labisan dhar u gaar ah oo midabkiisu yahay Surwaal Madow iyo Shaar Jaalle ah ayaa waxay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Isgoysyada Kaasabolbollaare iyo Howl-Wadaag iyo weliba gudaha Suuqa Bakaaraha.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan wada hadallo la lahaa Guddiga Amaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxay ku guuleysteen in loo ogolaado in ay sameeyaan Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo hoostegaya ganacsatada Suuqa.
Suuqa Bakaaraha ayaa intii aan loo sameynin Ciidamadan waxaa mar kasta ku dagaalami jiray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo kadibna uu Suuqa noqday mid uu sii yaraaday ganacsigiisa, isla markaana ay qaar ka mid ah ganacsatada ka rarteen badeecooyinkooda.
Dadka ku ganacsatada iyo kuwa u taga Suuqa Bakaaraha in ay wax ka soo iibsadaan ayaa waxay soo dhaweynayaan Ciidamadan gaarka ah ee loo soo sameeyay Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ay u arkayaan in ay soo af-jarayaan qulqulatooyinkii Suuqa ka dhici jiray muddooyinkii aynu ka soo gudubnay.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay weli ku sugan yihiin Isgoyska Aadan Cadde oo ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee laga soo galo Suuqa Bakaaraha, waxayna Ciidamadaas mararka qaarkood furayaan rasaas ay raacsiinayaan Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo taasina ay si weyn wel wel uga muujinayaan Ganacsatada Mehradaha ganacsi ku leh Wadadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Ciidamadii loo sameeyay Suuqa Bakaaraha oo si rasmi ah uga howl bilaabay gudaha iyo hareeraha Suuqaas
More News
- Afartan Urur oo ka shaqeeya Gargaarka Bani’adaannimada oo ku baaqay in wax laga qabto Xaaladda Soomaaliya
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo
- Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
- COL. CABDI AADAN CADOW: “Yuusuf Dabageed waa Nin sharciga ka weyn, mana aha Shaqsi lala shaqeyn karo, Sidaa daraadeed waan isaga tegay Mas'uuliyaddii aan Ciidamada ka hayay”