Afartan Urur oo ka shaqeeya Gargaarka Bani’adaannimada oo ku baaqay in wax laga qabto Xaaladda Soomaaliya

Arbaco, March 26, 2008(HOL):  Afartan Urur oo ka shaqeeya Gargaarka Bani’aadannimada ayaa waxay ku baaqeen in xaaladda Soomaaliya wax laga qabto, haddii kalena ay khatar geleyso nolosha kumanaan Soomaali ah oo ay saameeyeen dagaallo iyo abaaro ka jira Soomaaliya.

Sida ay sheegeen Ururradan waxaa guryahoodii Nabadgelyo-darro iyo Gaajo uga cararay Dad Hal Milyan gaaraya, iyadoo sidoo kalena ay bil kasta ka barakacaan guryahooda Dad gaaraya 20,000 oo qoys.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa ruxay Magaalada Muqdisho dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray dad badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ay haatan ku nool yihiin Duleedyada Muqdisho, halka kuwo kalena ay dalka isaga dhoofeen.

Ururradan oo isugu jira kuwo Soomaali ah iyo kuwo Caalami ah ayaa waxay sheegeen in ay jiraan caqabado badan oo ku horgudban in dadka ku dhibaateysan lala gaaro gargaarka ay u baahan yihiin, waxayna caqabadahaas ka xuseen in la boobo raashinka mucaawinada ah, in jid-gooyooyin loo dhigto iyo in mararka qaarkood la weeraro shaqaalaha gagaarka, sidaas darteedna waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay fududeeyaan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.

Ururradu waxay kaloo ugu baaqeen Beesha Caalamka iyo dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay diiradda saaraan Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, waxayna sheegeen in haddii aan xal siyaasadeed loo helin Arrimaha Soomaaliya ay ka sii darayaan qalalaasaha Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri ah oo Khamiis ah waxaa uu shir ka yeelanayaan Warbixin uu todobaadkii hore u soo gudbiyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, taasi oo ku saabsaneyd in Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socda loo diro Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia