Arbaco, March 26, 2008(HOL): Ciiidamo ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka ayaa saaka Waaberigii waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo halkaasina laga saaray Ciidamadii Gobolka.
Lix ruux ayaa ku geeriyootay dagaal magaalada Jowhar ka dhacay markii ay Ciidamada Maxkamadaha qabsanayeen, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo isugu jiray dad rayid ah iyo dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa markii ay xaqiijiyeen inay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Jowhar ayaa waxay sii daayeen maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Dhexe iyo Saldhigga Degmada Jowhar, kuwaasi oo u xirnaa Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in ay dhacday bililiqo loo geystay xabsiga iyo Saldhigga Jowhar iyo Xarunta Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadii Maxkamadaha ee la wareegay gacan ku heynta Degmada Jowhar ayaa markii ay cabaar joogeen waxay isaga baxeen halkaas, iyadoo Degmada ay haatan tahay mid aaney ku sugneyn labada dhinac ee dagaalamay, waxayna dadka Jowhar dareemayaan cabsi ku saabsan in ay mar kale dushooda ku dagaalamaan Ciidamadii Gobolka iyo kuwa Maxkamadaha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee laga qabsaday Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, balse Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka oo lagu magacaabo C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta Jowhar iyo Mahadaay, isagoo caddeeyay inay dagaal ka dhacay degmada Jowhar kula wareegeen gaadiid dagaal iyo hub isugu jira mid culus iyo mid fudud.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay Xabsiga Degmada Jowhar ka sii daayeen dad sida uu yiri uu iibsan jiray maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in ay isaga baxeen Degmooyinkii ay qabsadeen,”ujeedadeenu ma ahayn inaan meelo qabsanno ee waxaan dooneynay in aan cadawga dhabarka ka jebinno, taasina waan ku guuleysannay dhib la’aan”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, la wareegitaanka gacan ku heynta Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee kala ah Maxamed Cumar Deelle iyo Axmed Cumar Jaandhaay iyo ciidamo ay wataan ay u baqooleen dhinaca deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo beryahan la soo sheegayay inay ku sugan yihiin Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia