Arbaco, March 26, 2008(HOL): Taliyaha Qeybta Baliiska Gobalka Hiiraan Col. Cabdi Aadan Cadow oo Xafiiskiisa ugu waramayay Warfidiyeenka ayaa sheegay in uu isagga tagay xilkii uu ka hayay Ciidamadda kadib markii sidda uu sheegay uu la shaqeyn waayay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Col. Cabdi Aadan Cadow waxaa uu sheegay in Yuusuf Dabageed uu xabsi dadka lagu xirro ka dhigay Saldhiga Baliiska, waxana uu intaa raaciyay in ku dhawaan 20 Ruux oo ku xirnaa gudaha xabsigga oo aan sii daayay uu isaggu mar kale amray ku bixiyay in dib loo soo xiro taa oo aan la yaabay ayuu yiri.
Waxaana uu intaa raaciyay in arin dhibkeeda xanbaarsan tahay in Gudoomiyaha Gobalku amar ku bixiyo in la xiro dad si sharci ah lagu sii dayay, "" Yuusuf Dabageed sharcigga waxaa uu ka weyn yahay, Isagga ayaa hadda ka hor iggu yiri sharciga aad ka hadleyso sow Ma'aha kii Max'ed Siyaad Bare kaa waa uu dhintay, sidaa daraadeed lama sii dhaqeyn karo ayuu intaa sii daba dhigay.
Col. Cabdi Aadan Cadow waxaa kaloo uu sheegay in uu warqad qoraal ah u gudbiyay Dowladda dhexe si markaa ay ula socoto arimaha ka dhacay Gobalka iyo waliba xilka uu iska casilay.
Lakiin mar uu ka Jawaabayay Su'aal ay weydiisay HOL oo aheyd in is casilaadiisu tahay mid la xiriirta Cabsi dhinaca amaanka ah oo la soo daristay waxaa uu yiri "" hadii ay tahay Cabsi iyo cadaadis dhinaca amaanka ah oo laysaaray ma dhihi laheyn Yuusuf daraadii ayaan xilka uga tagay ee sidda ay wax u jiraan ayaan u sheegi lahaa, sidaa daraadeed waa in aad sidaa u fahanto.
Eedeyta uu soo jeediyay Taliyaha qeybta Baliiska Gobalka Hiiraan Col. Cabdi Aadan Cadow ayaa ku soo beegantay xili dhawaan sidoo kale Gudoomiyaha degamada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim uu ku eedeyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan in uu yahay Nin kaligii talis ah islamarkaana Gudoomiye Gobal iyo mid Degmo intaba isku ah.
Dhanka kale waxaa kol hore eedeyn tan la mid ah soo jeediyay Gudoomiyaha Degmadda Buula-burte C/siis Duurow oo sheegay Gudoomiyaha Gobalka in uusan aheyn aheyn shaqsi wax ka yaqaan hab Maamulka Dowladeed, waxaana uu intaa ku daray in arimaha Degamdda uu wax ka weydiiyo shaqsiyaad sidda uu hadalka u dhigay uu isagga sameystay.
Dhamaan marka la eego eedeymaha ay soo jeedinayaan Xubno ka tirsan Mas'uuliyiinta Maamulka iyo Sarkiisha Ciidamadda ayaa waxaa la oran karaa waa kuwo muujinaya sida ay u sii kala fogaanayaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo xubnaha la shaqeeya, inkastoo hadana Gudoomiyaha Gobalku sheegay in loo baahan yahay Mas'uul kasta in uu ka soo baxo waajibka shaqo ee saaran halkii wax la eedeyn lahaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
COL. CABDI AADAN CADOW: “Yuusuf Dabageed waa Nin sharciga ka weyn, mana aha Shaqsi lala shaqeyn karo, Sidaa daraadeed waan isaga tegay Mas'uuliyaddii aan Ciidamada ka hayay”
More News
- Ciidamadii loo sameeyay Suuqa Bakaaraha oo si rasmi ah uga howl bilaabay gudaha iyo hareeraha Suuqaas
- Afartan Urur oo ka shaqeeya Gargaarka Bani’adaannimada oo ku baaqay in wax laga qabto Xaaladda Soomaaliya
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo
- Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe