Hay'adda WHO oo shaacisay inay Muqdisho ka sameynayso goobo caafimaad oo lagu xannaaneeyo dadka qaba AIDS-ka

Khamiis, March 13, 2008(HOL): Madaxa Hay'adda WHO ee Somalia Dr. Max'ed Max'ud [Fuje) ayaa maanta daboolka ka qaaday in WHO ay dhawaan ka furayso Muqdisho xarun lagula dagaalamo faafidda cudurka AIDS-ka.

Dr. Fuje, wuxuu sheegay in xaruntaan cusub ay noqon doonto mid dadka qaba cudurkaas lagu baaro, isla markaana ay fursad u heli doonaan dadka isaga shakiya cudurkaas inay qabaan inay baaritaan ka sameeyaan.
"Xarunta cusub ee laga furayo Muqdisho waxay noqon doontaa mid dadka laga helao cudurka halista ah ee AIDS laga siin doono dawooyin kaalmaati ah oo ka difaaca jirkooda inuu dhinto" ayuu yiri Dr. Fuje.

Madaxa WHO ayaa sheegay in xaruntaan ay labeyn doono xarunta keliya ee ka furan koonfurta Somalia ee ay ka qaataan dadka qaba cudurka haliska ah ee AIDSka, waxaana xaruntaas ay ku taalaa degmada Marko ee Shabeellada Hoose.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Dr. Fuje tababar lagu baranayo habka looga hortago cudurka halista ah ee HIV/AIDS, kaasoo dhibaatooyin ba'an ku haya malaayiin qof oo ku nool daafaha Dunida.

Mar uu ka warbixinayay qofka qaba AIDS-ka sida loola dhaqmay ayuu sheegay Dr. Fuje inuu yahay qof caadi ah oo aan waxba ka duwaneyn qofka fiyoow ee aan cudurkaas qabin, wuxuuna yiri isagoo sharraxaya qofka qaba AIDS-ka: "Qofka qaba AIDSka waa qof caadi ah oo qaban kara wuxuu qabto qofka aan qabin, isla markaana aan howl-yareyn".

Lama sheegin xilliga ramsi ahaan loo furayo xaruntaan cusub ee lagu xannaaneynayo dadka qaba cudurka AIDSka, iyadoo Somalia ay ka mid tahay dalalka uu ku yar yahay cudurkaas, balse dalalka dariska la ah Somalia ee Kenya iyo Itoobiya ay yihiin dalal uu aad ugu badan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia