Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay qorshaha dib u heshiisiineed ee uu soo bandhigay Ra'isal wasaare Nuur Cadde

Khamiis, March 13, 2008(HOL): Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah ayaa soo dhoweeyay qorshaha cusub ee dib u heshiisiinta ku wajahan dalka Soomaaliya ee uu soo bandhigay Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde.

Ahmedou Ould Abdallaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay inuu aad u soo dhaweynayo dadaallada dib u heshiisiinta ee uu wado Ra'isal wasaare Nuur Cadde, taasoo uu ku sheegay tallaabo wanaagsan.

Amp. Ahmedou ayaa sheegay in ay taageerayo dadaalo kasta oo xal u ah arrimaha soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay dhinaca kale ee dowladda ka soo horjeeda in ay la hadlaan Dowladda.

"Dadaalka uu wado Ra'isal wasaare Nuur Cadde waan taageeraynaa, waana tallaabo aanu soo dhoweyneyno, isla markaana aynu rajeynayno in ay hirgasho" ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Ra'isal wasaare Nuur Cadde oo shalay soo bandhigay qoshaha cusub ee dib u heshiisiinta, oo uu ku sheegay inuu wadahadal la geli doono kooxaha mucaaradka dowladda meel kasta oo ay joogaan gudaha dalka iyo dibaddaba, isla markaana aan lakala sooceynin oo uu dhammaan mucaaradka la kulmayo ayaa durba helay soo dhaweyn beesha Caalamka ah waxayna

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia