Khamiis, March 13, 2008(HOL): Xaflad balaadhan, oo lagaga doodayay in dalka Somaliland ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah, qaabka ay u dhici karto, dedaalka looga baahan yahay komishanka doorashooyinka Qaranka iyo qodobo kale oo xasaasiya, ayaa lagu qabtay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa.
Xafladan oo uu soo qaban-qaabiyay Urur dhalinyaro oo lagu magaaco AFGARAD, waxa ka soo qayb-galay Aqoonyahaniin, Abwaano, Salaadiin, Siyaasiyiin kala duwan, qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka, dhalinyaro tirobadan iyo marti-sharaf kale.
Furitaankii munaasibadaa waxa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Ururkaas Maxamed Dhabbeeye, oo sheegay inuu ururkoodu u taagan yahay maslaxada Qaranka iyo isu soo dhawaanshaha Axsaabta, Xukuumada iyo Golayaasha kale ee Qaranka. Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan, oo aad u tiro badan.
Boqor Cismaan Buurmadaw, ayaa hadal uu halkaa ka soo jeediyay waxa uu kaga hadlay arrimaha Siyaasadda, isla markaana waxa uu dhaliil dusha uga tuuray, Guddoomiyayaasha Xisbiyada iyo sidoo kale Xukuumadda Somaliland. “Waxaan aad ugu faraxsanahay ina xubnihii Qaran inala fadhiyaan, komishanki inala fadhiyo, waxaan ka xumahya inuu Guddoomiyihii Maxkamaddu inaga baxo isaga oo halkan lagu casuumay…Waxaan leeyahay dhibaatada waxa keenayaa waxa weeye monabali (kooto) marka saddexdii Xisbi laga dhigto ee saddex nin dhakada kaga fadhiistaan waa dhib. Waxaan leeyahay saddexda Xisbi iyo labada Gole Baarlaman dhaliil kama kacdo ah ayay leeyihiin, oo dhaliisha dalka taalaa iyaga ayay fadhidaa.” Sidaa waxa yiri Boqor Cismaan Buurmadow. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray, oo uu yiri, “Golaha Wakiiladu wuxuu u kala fadhiyaa saddexdii Xisbi ee uu ka soo kala baxay. Waxa ceeb ah shanta xubnood ee Qaranka ugu sareeya inay Xisbiyo noqdaan. Madaxweyneaha, ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guurtida, Gudoomiyaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda, ummada oo dhan ayay matalaan. Markaa miyaanay ceeb ahayn labadii Gole ee dawladda ilaalin lahaa labadooda Guddoomiye iyo xubnahoodu ay Xisbiyo ku kala jiraan? Inay Xisbiyo u ololeeyaan miyaanay ceeb inagu ahayn? Saddexdii Gole ee wax sixi lahaa inay noqdaan kuwo kala xidhan oo isbaaro u kala taalo miyaanay ceeb inagu ahayn?”
Boqor Cismaan Buurmadaw, waxa uu komishanka cusub ee doorashooyinka u soo jeediyay inay cadaalad ku shaqeeyaan. Isla markaana, waxa uu Golayaasha qaranka ugu baaqay inay wada-tashi isugu yimaadaan oo iyagu isa saxaan.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), oo ka mid ahaa Abwaanada waawayn ee Dood-cilmiyeeddaas ku suganaa, ayaa waxa uu soo jeediyay in si midaysan looga wada-hadlo danaha Qaranka, isla markaana aanay noqon wax inta mar la isu yimaado la isla soo qaado, ka dibna halkaa lagaga hadho, balse ayuu yidhi “laga soo saaro kulan kasta qodobo midha dhal ah.” Waxaanu intaa ku daray, oo uu yiri, “Dhibaatooyinka ama aqoon ayaa lagaga bad-baadaa, ama xanuun kugu soo dhacay ayaa lagaga badbaadaa. Aqoonta yeelkeede xanuunka inagu dhacay mid ka culusi ma jiro, wax Alliyaala wuxuu inaga bedalayna ma jirto, mishkiladdu halkay ka jirtaana waa taa, waxaana jirta mishkilad guud oo ay wax waliba hoos imanayaan, ilaa taa xalkeeda la helana sidaas ayuun baynu ahaanaynaa. Aniga maanta mid iga gunta, oo ilaa diinta Islaamka aynu ku dhaqano, oo maaha diinta aakhiro ayaa lagu janno tagayaa, ee ifka ayaa lagu badbaadayaa, waana iftiin iyo ilays lagu baadi doono xalka wax kasta. Ilaa taa inaynu qaadanana xal aynu helaynaa ma jiro. Doorashadana waxaan leeyahay Kun-faya-kun (ha ahaato).”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isaguna hadal uu halkaa ka soo jeediyay waxa uu kula hadlay dad aanu si gaar ah u magacaabin oo uu sheegay inay Xisbigooda faragalin ku hayaan. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Kulimiye, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dimuquraadiyada lagu dhaqmo, isla markaana loo tartamo si xalaal ah. “Waan u soo jeedinayaa dadka faragalinta ku haya Xisbiga Kulimiye inay ka dhex baxaan, oo taladiisa wixii aan Xisbiga ahayni ka dhex baxaan.” ayuu yiri Mr. Siilaanyo. Waxaanu Guddoomiyuhu ka hadlay arrinta furashada Urur, oo uu sheegay inay tahay mid dastooriya. Hase ahaatee, waxa uu Guddoomiyuhu gaashaanka ku dhuftay arrinta Xisbiyada oo uu sheegay inaanay ahayn kuwo ku meel-gaadh ah. “Xisbiyadu waa ku meel-gaadh ayaa tidhaahdeen, hadda waxa is weydiin mudan goorma ayay qaan-gaadh noqonayaan?, waa inay ahaadaan kuwo la garan karo xiliga ay noqonayaan qaan gaadh.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Abwaan Maxamed Xaash Dhamac Gaariye, ayaa madashii doodad ka jeediyay Maanso lagu magacaabo GURMAD. Waxaanu Abwaanu u soo jeediyay komishanka cusubi inay ka faa’iidaystaan waxyaabaha shirkan looga soo jeediyo.
Sidoo kale Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka mid ahayn xubnihii hore ee Komishanka oo madashaa ka hadashay, ayaa ku dheeraatay marxaladihii kala duwanaa ee ay komishan ahaan soo mareen, isla markaana waxa ay sheegtay in hawl tii iyaga soo martay mid ka wayni u taalo komishanka cusub. “Xukuumada Somaliland wixii aanu wakhtigaa uga baahanay way nagu caawisay, saddexda Xisbi Qaran waxay na siiyeen kalsooni dheeraad ah, waananu la tashanaynay oo habeen iyo maalin waanu la joognay.” Ayay tiri Shukri Xaaji.
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo lagu soo marti qaaday xafladaa, ayaa isn Madasha ka yiri, “Mawduucan laga hadlayo ee la leeyahay doorashadu mid xor ah oo xalaal ah ma noqonaysaa, anaga waxay nala tahay Ururka Qaran ayay taasi ku dhan tahay, oo ah muraayadda lagu eegayo dimuquraadiyada.”
Dr. Gaboose, waxa uu si gaar ah u duray Guddida komishanka doorashooyinka, “Halkaa waxa fadhida Shukri X. Baandare (Xubin ka mid ahayd Komishankii hore), komishankii ay ka midka ahayd waa la dhaariyay, oo dhaar sharciya ayaa lagu dhaariyay. Halkan iyaguna waxa fadhiya Guddidii cusbayd ee komishanka ma dhaarsana, dhaarkale ayaa lagu dhaariyay, Xeer 20-na way ku shaqeeyaan. Markaa sidee ayay daacad u noqon karaan hadii aanay dhaartiiba daacad ka ahayn?. Guddoomiyayaasha Xisbiyadu haday ogolaadeen dhaar sharci-daro ah inay Guddida doorashooyinku ku fadhiyaan maxay berri ka filayaan, waxaanan odhan lahaa komishanka dib ha loogu dhaariyo dhaarta sharciga ah ee dastuurka ku qoran.” Ayuu yiri Gaboose, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Dhaarta lagu dhaariyay Komishanka waa tii Madaxweynaha lagu dhaarinayay ee ahayd waxaan daacad u noqonayaa dadkayga, dadkayga iyo diintayda. Halka komishanka ay tahay inay kaga dhaartaan, waxaan Illaahay hortii ugu dhaaranayaa in aan dhex-dhexaad ka noqonayo tartanka iyo cidda ku tartanmaysa. Hadaaban lagu dhaarin taa maxay dhex-dhexaad u noqonayaan.” Waxaanu xukuumada ku eedeeyay inay hantida Qaranka kula tartamayso Xisbiyada.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Komishanka doorashooyinka Somaliland. Xirse Cali Xaaji Xasan, ayaa isaguna hadalo u muuqday weerar celin iyo is difaac madashaa ka soo jeediyay, kuwaas oo uu ugu jawaabayay Dr. Gaboose, waxa ka mid ahaa oo uu yidhi, “In aad isa soo taagto dad hortii oo aad tidhaahdo hebel baan u nasteexeynayaa ama toosinayaa, maad toosin ee waad fadeexadaysay ee toosintu waa marka loo yimaado qofka ee la yidhaahdo waxan ayaa kaa qaldan. Gaboose, wuxuu tilmaamay in nala dhaariyay, laakiin dhaartii ku qornayd No. 20 aan nalagu dhaarin. Anaga waa nala dhaariyay, dhaarta nalagu dhaariyayna waata dastuurka ku taala. Runtii anagu waanu cusbayn, laakiin waxaan qiraynaa in nala dhaariyay. Markaa anaga kol hadii Walle iyo Bille nalagu dhaariyay, waxaan leeyay Gaboosaw waxaad dib ugu noqotaa Wallaha iyo Billa halkee laga keenay.” Ayuu yidhi oo uu hadalkiisii ku ladhay Mr. Xirsi.
Waxa isna madashaa ka hadlay Xoghayaha Siyaasada Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, oo sheegay inay Xisbi Xukuumi ahaan ay diyaar u yihiin in ay doorashadu si xalaal ah u dhacdo, isla markaana aan wax dib u dhici ku iman. Waxaanu carabka ku adkeeyay Xoghayuhu inay komishanka la garab taagan yihiin hiil iyo hoo labadaba sidii ay doorashadu u hirgali lahayd.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay Xubno ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID, Xasan Suldaan, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mr. Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Xuseen Ciise, oo ah xoghayaha arrimaha dibada ee Xsibiga Kulmiye, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Urur-siyaasadeedka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, Prof. Az-hari iyo xubno kale, oo guud ahaanba ku dheeraaday Siyaasada hada dalku marayo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in lagu talaabsado.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.