Macallin Dugsi Qur'aan iyo Fannaan maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho

Khamiis, March 13, 2008(HOL): Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay Macalin dugsi Qur'aan ku dilay xaafadda Buulaxuubey degmada Wadajir eee magaalada Muqdisho kaas oo ay ka dhacayeen telefoonka Mobaylka oo ay wateen.

Macalinka Dugsi oo ciidamada dowladda ay dileen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Cali, wuxuuna khadiib ka ahaa Masjid ku yaala xaafaddaas, waxaana la toogtay xilli uu dukaan wax ka iibsanayay ka soo baxayay.

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa weerar ku qaaday askartii macalinka toogatay, waxaana la sheegay in askari ka mid ah askartaas uu soo gaaray dhaawac halis ah, iyadoo goobtii rabshaddu ka dhacday oo ahayd agagaarka suuqa Buula-xuubeey lagu kala cararay, walow mar dambe suuqu uu caadigiisii ku soo laabtay.

Habeen hore ayaa xaafadda Buula-xuubey waxaa lagu dilay sheekh caan ka ah magaalada Muqdisho, kaasoo ay dileen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Dhanka kale, Fannaan ka tirsanaan jiray Hobaladii fanka Soomaaliyeed ee Waaberi ayay kooxo hubeysan ku toogteen Magaalada Muqdisho, iyadoo dilka fannaankaasna aanay jirin wax loo aaneeyay.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa la xaqiijiyay inay toogteen Aadan Xasan Salaad oo ahaa fannaanka la toogtay, waxaana goobjoogayaal ku sugan halka lagu toogtay oo ahayd goob lagu cabo shaaha ay sheegeen in si toos ah loo bartilmaameedsaday isaga.

"Dad badan ayaa waxay ku sugnaayeen goobta lagu cabo shaaha, waxaana saddex dhallinyaro ah oo isla socday ay u tageen fannaanka dhintay iyadoo bastoolado ku toogtay" ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaashii ka warbixinayay qaabka loo dilay fannaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia