Axad, June 29, 2008 (HOL): Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gaaray Degmada Guriceel iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac isugu adeegsadeen madaafiic iyo rasaas yar yar.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaana taasi sabab u ah iyadoo Degmada Guriceel ay dadkii deganaa badankood ka barakaceen kadib markii uu xalay dagaal ka dhacay Degmada.
Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Itoobiya ay maanta isku dayeen in ay wada hadal la yeesheen Odayaasha Degmada, hayeeshee ay taasi u suurtageli weysay kagadaal markii ay waayeen Odayaal ay la kulmaan.
Ciidamadan Itoobiyaanka ahee fariisinka ka sameystay halka laga galo Degmada Guriceel marka laga tago dhinaca Degmada Matabaan ayaa waxay markoodii hore ka tageen Magaalada Beledweyne iyo Deegaanka Kala-beyr, lamana oga ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa socdaalka ay ku tageen Degmada Guriceel.
Dadkii ku dhaqnaa Degmada Guriceel oo isugu jiray kuwo horay u deganaa Degmada iyo kuwo ka cararay Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay u barakaceen dhulka baadiyaha ah ee u dhow Degmada, halka kuwo kale oo Gaadiid heli karayna ay u jiheysteen dhinaca Degmada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Gobolka Galgaduud.
CIidamadan Itoobiyaanka ah ee tegay Degmada Guriceel ayaa waxaa cambaareeyay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna Afhayeenka Dhaqanka ee Golahaas Axmed Diiriye Cali uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Guriceel tegay ay ujeedadoodu tahay in ay barakiciyaan Dad degan oo aan wax dhibaato ah qabain, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ciidamadaas ay yihiin kuwo ujeeddo gaar ah leh oo aan dooneynin in xal loo heli mushkiladda Soomaaliya waayo ayuu yiri wuxuu tegitaankooda Guriceel ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka wadeen Dib u heshiisiin xal loogu raadinayo Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia