Mudaharaad looga soo horjeedo sicir bararka oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Bosaaso

Cabirka Farta

Axad, June 29, 2008 (HOL): Waxaa Maanta isugu soo baxay Wadooyinka waa wayn ee Magaalad Bosaaso ee xarutna Ganacsi ee puntland dad Mudahraadayaal ah kuwaasi oo ka xanaaqsan Sicir bararka iyo Gaajada ka jirta xeryaha ay ku jireen dadka soo barakacay.

Banaanbaxyaaasha ayaa xambaarsanaa boorar ay uga soo horjeedaan Sicir bararka oo ay ku qornaayeen ereyo ay kamid ahaayeen dooni mayno Maciishada sii kacaysa.

Dadkaan mudaharaadayay ayaa markii danbe isugu irida hore ee xarunta degmada iyo guriga gobolka ee magaalada bosaaso ,waxaana ay ka mudahaaradayeen dhibaatooyin ka haysta dhinaca nolosha.

Dhibaatooyinka ay ka cabanaayeen dadkaan Mudahaaradayaasha ahaa waxa ka mid ahaa ,iyagoo waayay meel dagaan oo aysan kari kari karaynin lacagta lagu kiraysto guryaha magaalada bosaaso.

Godoomiye ku xigeenka duqa Degmada Bosaaso C/ qaadir Max,ud Jicif ayaa shacabkaasi kula hadlay ilinka hore ee dawlada hoose ,isagoo ku qanciyay in wax laga qaban doono xaalada ay ku suganyihikin.

Qaar ka tirsan mudaharaadayasha ayaa hiiraan online u sheegay in aysan hada wixii ka danbeeyay u dul qaadan doonin xaalada siciri barar ee ka jirta deegaanada dawlada goboleedka punland.

Inkastoo magaalada Bosaaso ay ka mid tahay Magaalooyinka ku hormaray dhanka dhaqaalaha ayaa hadana waxaa ka jira Sicir barar aad u xoog badan iyo shaqo la,aan soo food saartay dadka danyarta ah.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan On line
[email protected]
Bosaso, Somalia