Axad, June 29, 2008(HOL): Burcada South African ah ayaa Dil iyo Dhac ku haya Ganacsatada Soomaaliyeed iyagoo maanta ku dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Xuseen Maxamuud Raage (Suuleey) Dukaan uu ku lahaa Tuulada Mapopane oo ku taala duleedka Magaalada Madaxda Pretoria. Tuugadan ayaa ku hubesnaa Bistoolado iyagoo Markii ay marxuumka dileen halkaa ka baxsada Marxuumka ayaa lagu sheegay da diisa 35 jir.
Wax yar kadib waxaa soo gaaray halkaas Police-ka Dalkan Koonfrta Africa iyagoo baaritaano ka bilaabay halkii falka dilka ah ka dhacay, mana jirto Cid loo qabtay falkaa ilaa iyo hadda.
Arintan ayaa ku soo aaday iyadoo isla bishan gudeheeda lagu Dilay Muwaadin Soomaaliyeed Tuulo ku dhaw Magalada Rustenburg ee Gobolka Nouth west halka kuwo kalena dhaawcyo iyo dhac loo geystay qeybo kala duwan oo ka tirsan Dalkan Koofur Afrika.
Dhibaatadan lagu hayo Qoxootiga Soomaalida ayaa lagu macneeyay Tartan dhinaca Ganacsiga ah iyadoo Soomaalida intooda badan ay ahaayeen Dad Ganacsada ka hor inta aysan dhicin dhibaatooyin kii looga soo hor jeeday Dad ka soo galootiga ah taas oo Dad badan oo Soomaali ah ku qasabtay in ay Xeryo Qoxooti ah galaan Kadib markii wixii ay heysteen laga dhigay wax la gubo iyo wax la boobo intaba. Soomaalida lagu dilay Dalkan Koonfurta Afrika ayaa ah ku dhawaad 400 boqol oo Qof siida ay diiwaan giliyeen Jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan Wadanka South Africa.
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa