Xiisad Colaadeed oo u dhaxaysay laba beelood oo wada Deegaanka Buuhoodle oo lagu guulaystay in la xaliyo

Cabirka Farta

Axad, June 29, 2008(HOL): Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa ku guulaystay in ay damiyaan xiisad colaadeed oo ka dhaxaysay laba beelood oo wada daga deegaanka Buuhooodle gobolka Cayn ee Puntland.

Labadaan Beelood ayaa in ka badan 30 rag ah isaga kala dilay tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Buuhoodle ,waxaana colaadda u dhaxaysa labadaasi beelood ay noqotay mid si wayn looga dareemay deegaanadaasi.

Suldaan Siraad Garsoore oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in gudiyo loo saaray sidii ay u soo afmeeri lahaaayeen xiisada colaadeed ee labadaasi beelood mudada ka dhaxaysay.

Gudiyada loo saaray xalinta khilaafka labada beelood waxa ay ka kala kooban yihiin odayaal ka kala socday labada beelood ee uu dagaalka dhaxmaray,kuwaasi oo shalay galankii danbe ku heshiiyay deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn ee Maamulka dawlada goboleedka punland.

Heshiisyada labada beelood ay wada gaareen waxaa ka mid ah in tallaabo sharci ah laga qaado ciddii ku xad gudubta heshiiska labad beelood ay wada gaareen.

Colaadda labadaan beelood soo dhaxmartay ayaa ahayd tii ugu dhiig daadashada badnayda inta la xasuusto khilaaf abid dhax mara beelaha wada daga gobolkaasi Cayn.

Xalinta khilaafka labada beelood ayaa timid kadib markii dadaal dheeraad ah ay u galaan salaadiin iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolkaasi in la xaliyo khilaafka labada beelood.

Faysal Maxamed Xasan(Boston)
[email protected]
Bosaso ,Somalia