Dadweynaha Hargeysa oo ku hungoobay Beerta Xorriyadda iyo Xafladda 26 June oo qaar ka mid ah Fannaaniintii Riwaayadda ka dhigayay ka dareereen oo oo lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland

Cabirka Farta

Jimco, June 27, 2008(HOL): Inkasta oo Munaasibadda 26-ka June oo ku beegnayd 48 guuradii ka soo wareegtay maalintii u horaysay ee ay Somaliland Xorriyadda ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska ama aan si kale u yidhaahdo maalintii u horaysay ee Calan laga taago Ciid Soomaaliyeed, laga xusay Magaalooyinka Somaliland, haddana Magaalada Hargeysa ayaan guud ahaanba laga xusin marka laga reebo Xaflad xalay lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa caadiyan u bartay inay isugu yimaadaan Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa. Hase ahaatee waxay shalay ku hungoobeen goobtaas. Taas oo aanay jirin haba-yaraatee wax diyaar-garow ah iyo Xus loo qabtay toona. Balse taa bedelkeedii waxay noqotay in Madaxtooyada Somaliland xalay lagu qabto Xaflad lagu xusayay Maalintan 26 June.

Madasha Xafladdu ka socotay ee Madaxtooyada, ayaa aad loo adkeeyay ammaankeeda, waxa halkaa ku sugnaa marti sharaf tiro badan. Waxa qorshaysnayd inay halkaa riwaayad ka turjumaysa maalintan ka dhigaan Fannaaniin ka tirsan Fannaaniinta Qaranka, hase ahaatee waxa dhacday in fannaaniintii qaar ka mid ahi ka dareereen Madasha, ka dib markii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadu haddigaad iyo caga-juglayn kula kaceen fanaaniin badan oo uu ka mid yahay Fannaanka Maxamed Maxamuud Cige (Busi). Kaas oo markii sida uu sheegay cabasho uu u gudbiyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo is-ag-fadhiya oo uu u tegay ka dib, aanay jirin wax-is-bedel ah oo ku yimid sidii ay Ciidanku ula dhaqmayeen Fannaaniinta. Tasina waxay kalliftay inay Fannaaniintu ka dareeraan madasha, marka laga reebo tiro faro-ku-tiris ah oo ka hadhay, iskuna dayday inay sii waddo Masrax-fanneedkaas.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaaddo Magaalooyinka waawayn ee Somaliland, waxa Madaxtooyada lagu qabtay Xafladdaas oo ay ka hadleen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo marti-sharaf kale. Iyada oo Saxaafadda laf ahaanteeda qaar ka mid ah la diiday inay galaan Xayndaabka iyo madashii ay ka socotay Xafladdu.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland