
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Soomaalida ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay nabad iyo dib u dhis ku gaari lahaayeen
![]() |
| Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti-Ismaaciil Cumar Geelle |
Shacabka Jibouti ayaa maanta waxay u ahayd maalin Ciid ah oo kale, waxayna iyagoo faraxsan isugu soo baxeen Waddooyinka Magaalada Djibouti iyagoo weliba wata Calanka Dalka Jibouti.
Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana uu uga hadlay Arrimo ku saabsan Dalka Jibouti iyo Arrimaha Soomaaliya ayuu MAdaxweyne Geelle ugu baaqay Soomaalida in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku gaari lahaayeen Nabad iyo Dib u dhis.
Sidoo kalena Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan heshiiskii ay dhawaan Magaalada Djibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in aysan Soomaalida dan ugu jirin in mar kasta loo qabto Shir Dib u heshiisiineed.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay aad u jir-diidayaan in Dalka Soomaaliya uu muddo ku dhow 20 sanadood uu dhibaato ku jiro, uuna ka haro asaagiis, sidaas darteed ayuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay aayahooda ka tashadaan, ayna iska iloobaan khilaafaadyada u dhaxeeya.
Hadalka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Dalka Jibouti uu dhawaan dagaal la galay Dalka Eritrea kadib markii ay Ciidamada Eritrea soo galeen Xadka u dhaxeeya labada Dal. Dagaal labada dhinac dhexmaray waxaa uu aakhirkii keenay in ay Jibouti ku guuleysato in ay dib u celiso Ciidamadii Eritrea eek u soo xero-taraaray.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalka Jibouti ayaa wuxuu xornimada ka qaatay Dalka Faransiiska 27-kii June 1977, xiligaas oo wixii ka dambeeyay uu dalka Jibouti xor ahaa, isla markaana sanad kasta marka gaaro 27-ka June la xuso maalintii ay Jabouti ka xorowday gumeystihii Faransiiska.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
