Madaxwayne Cadde Muuse oo shacabka Jubuuti ugu hambalyeey munaasabadda 27-ka June oo ah maalintii ay Jabuuti xornimada qaadatay

Cabirka Farta

Jimco, June 27, 2008(HOL): Madaxwayanah Dowlad goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Cade Muuse ayaa dhambaal hambalyo ah waxa uu u diray  Shacabka Wadanka jubuuti , taasi oo ku aadan munaasabada 27 June oo ah maalintii Jubuuti ay xornimada qaadatay.

Madaxwayne Cadde Muuse ayaa dhamabaalka si gaar ah waxa uu ugu hagaajiyay madaxwaynaha wadankaasi ismaciil cumar geele iyo golihiisa xukuumada ,isagoo faraxada ka muujiyay munaasabada 27 June oo ku beegan maalintii jabuuti xornimadeeda ay hanatay.

Dhamaabaalkaan hambalyada ah ee madaxwayne CaddeMuuse uu u diray xukuumada Jubuuti iyo shacabkeeda oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray hiiraan onliene ayuu madaxwaynuhu ugu hamabalyay shacabkaa wadankaasi maalinta qiimaha wayn mudan ee 27 june markii dawaladda wadanka Jabuuti ay xornimadeedi ka qaadatay gumaystihii Faransiiska sanadku markuu ahaa 1977.

Cadde Muuse oo ku sugan caasimadda Dawlada goboleedka Puntland ee Gorowe ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya magaca dawlada in shacabka wadanka jubuuti uu u rajaynayay sanadkaan sanadkiisa kale in ay ku gaaraan naruuro iyo barwaaqo.

Hambalyadaan uu madaxwaynaha dawlada goboleedka puntland u diray dawlada wadanka jubuuti ayaa sii xoojinaysa xiriirka puntland kala dhaxeeyay dawlada wadanka jubuuti ,waxaana cade uu hambalyadiisa sii raaciyay in shacabkiisu ay garab taaganyiihin jabuuti hadii ay noqon lahayd dhinac walba.

Puntland waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay iminka xukuumada jubuuti ka dib markii labada madaxwayne ay kulamo ku soo wada qaateen gudaha wadankaasi jubuuti kaasi oo laga hadlayay xiriirka labada shacab ee Jabuuti iyo walibana Puntland.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia