Jimco, June 27, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ay socdaan dadaallo ay wadaan xubno ka tirsan Isbaheysigaas kuwaasi oo doonaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen khilaafka labada u kala qeybiyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas-aasay Dalka Eritrea.
Dadaalkan labada dhinac la isugu soo dhaweynayo ayaa waxaa horseed ka ah xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka kala tegay Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo Caalamka ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Xubnahan dhexdhexaadinta wada ay xiriir la sameeyeen labada dhinac ee uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta, isla markaana ay ogoleysiiyeen in ay yeeshaan kulamo ay uga hadlayaan waxyaabaha keenay in ay is-khilaafaan.
Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo isagoo ku sugan Dalka Jibouti u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xalinayo mad-madowga soo kala dhexgalay, wuxuuna sheegay in mad-madowgaas lagu xalin doono Isbaheysiga dhexdiisa, isla markaana aysan jiri doono gacan seddexaad oo xalisa khilaafka u dhaxeeya.
“Horaa loo yiri Gacmo Geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa marka waxaan dooneynaa in aan mad-madowgaas ku xalinno Isbaheysiga dhexdiisa”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo rajeeyay in ay labada dhinac is-af-garan doonaan.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Xubno ka socda Maxkamadihii Islaamka, Xubno laga saaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ayaa wuxuu labo u kala jabay kadib markii labada Mas’uuliyiinta ugu sareysa Isbaheysiga iyo Xubno ku fikir ah ay goosteen in ay Wada hadal ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamda Itoobiya la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo kadibna xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ay ku guddoomiye ku xigeennada Isbaheysiga ay arrintaas kas oo horjeesteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia