Khamiis, June 26, 2008(HOL): Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo beryahan ay u qafaalnaayeen Dad Ajaaniib ah oo ka soo qabsadeen Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay dalbadeen lacag madax furasho ah.
Dadkani Ajaaniibta ah oo u dhashay Dalka Jarmalka, isla markaana ah Qoys dalxiis ahaan u marayay Xeebaha Soomaaliya, ayaa waxay isugu jiraan Lamaane is-qaba iyo Wiil ay dhaleen iyo weliba Kabtankii ku kaxeynayay Doon ay ku dalxiisayeen.
Wasiiru Dowlaha Ammaanka Puntland Jaamac Xirsi Faarax oo u waramayay Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Dadkaas Ajnabiga ah heysta ay dalbadeen Lacag dhan Hal Milyan oo Doollar, taasi oo uu sheegay in ay ku xireen sii deynta Dadkaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay xaaladda Dadkaas la af-duubtay ayaa waxay sheegayaan in uu xanuunsanayo wiil yar oo ka mid ah Qoyska ay af-duubteen Kooxahaas Burcad Badeedka ah oo haatan la heystayaasha ku heysta deegaanno hoos-yimaada Maamulka Puntland.
Xeebaha Soomaaliya oo muddooyinkan ku safarkooda uu khatar noqday ayaa waxaa lagu qafaashay Maraakiib iyo Doomo isugu jiray kuwo waday gargaar Bani’aadannimo, kuwo Ganacsi, kuwo Dalxiisayaal ay saarnaayeen iyo kuwo Kalluumeysi.
Af-duubka loo geystay Dadkani u dhashay Dalka Jarmalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraar Ciidamo Caalami loogu dirayo Xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan, hayeeshee ma jiraan ilaa iyo hataan Ciidamo howlgalkaas u yimid oo Xeebaha Soomaaliya soo aaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia