Saraakiil tababar ka waday Xerada Mannaas oo meydkooda laga helay duleedka Xeradaas

Cabirka Farta

Khamiis, June 26, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka duleedka Xerada Mannaas ee Gobolka Bay lagu arkay Meydadka labo Sarkaal oo tababar Ciidan ka waday Xerada Mannaas.

Labadan Sarkaal ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen afar sarkaal oo shalay ay Kooxo hubeysan ka kaxeysteen meel Shaaha laga cabo oo aan u dheereyn Xerada Mannaas, waxaana meydadka labada Sarkaaal soo arkay oo soo sheegay Dad Xoolo dhaqato ah.

Xerada Mannaas oo ku dhawaad 20km uga beegan dhinaca Koofureed Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku jira Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo loo carbinayo in ay Ciidamo u noqdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dabayaaqadii Bishii May ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii ay Kooxo hubeysan gacan ku heynta  Xeradaas la wareegeen, inkastoo ay wax yar kadib halkaas isaga baxeen.

Ugu dambeyntiina, Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxaa dhawaanahan ku soo xoogeysanayay Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo marba la wareegayay gacan ku heynta Degmooyinka Gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia