Wariye C/qaadir Nuunow oo Xabsi uu ku xirnaa laga sii daayay

Cabirka Farta

Khamiis, June 26, 2008(HOL): Wariye C/qaadir Maxamed Nuunow oo ay  xabsiga dhigeen Ciidamada Booliska Puntland ayaa xoriyaddiisii dib u helay kadib markii uu muddo dhowr iyo toban saacadood ah xabsi ku jiray.

Sida uu sheegay Wariye C/qaadir Nuunow oo markii la soo kadib saxaafadda la hadlayay ayaa wuxuu sheegay in ay xabsiga magaalada Boosaaso u taxaabeen Ciidamada Maamulka Puntland, kuwaasi oo u heystay War ka baxay Idaacadda Horseed oo uu howl-wadeenadeeda ka mid yahay.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geystay intii uu xirnaa, wuxuuna sheegay in kaliya xoriyadda ay ka maqneyd, “Ma jirin wax xad-gudub iyo jir-dil ah oo la ii geystay intii aan xirnaa, kaliya waxaan ku xirnaa meesha ay Ciidamada joogaan, xoriyadna ma heysan”ayuu yiri C/qaadir Nuunow oo sheegay in aanu jirin wax war qaloocan ah oo uu sii daayay ama ay sii deysay Idaacadda Horseed ee uu mas'uuliyiinteeda  ka midka yahay.

Xarigga Wariye C/qaadir Nuunow ayaanan ahayn midkii ugu horeeyay oo loo geysto Wariyayaasha iyo ka howlgala Idaacadaha iyo Wargeysyada Madaxa Bannaan ee ay xarumahooda ku yaalliin deegaananda uu ka taliyo Maamulka Puntland, waxaana horay u jiray Wariyayaal uu xarig la dhigay maamulka Puntland kadib markii ay sii daayeen warar aysan jecleysan Mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia