Wasiiru Dowlaha Amniga Puntlad oo sheegay in weerar lagu qaadi Kooxo Burcad Badeed ah oo afduub u haysta Markab laga leeyahay Dalka Jarmalka

Cabirka Farta

 Khamiis, June 26, 2008(HOL): Wasiiru dawlaha Amniga dawlada goboleedka Puntland Jaamac Xirsi Faarax ayaa sheegay in weerar aad u culus lagu qaadi doono kooxo burcad badeed ah oo afduub u haysta markab laga leeyahay dalka germany.
 
Markabkaan ayaa afduub lagu haystaa deegaanka ayl muddo ka badan bil gudaheed ,waxaana ilo xog ogaala ah ay sheeegayaan in kooxaha afduubka u haysta markabkaasi ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo aan la cayimin
 
Wasiirku waxaa uu tilmaamay in lacagaha madax furasho ee la siiyo burcad badeedka ay si aad ah ugu sii dhiiri galinayso in ay u gubaan badaha Caalamiga, iyagoo ka gadbaya xeebaha puntland oo bil gudaheed ay kooxo burcad badeed afduub u gaysteen sedax markaba oo laga kala lahaa dawlado ka mid ah caalamka.
jaamac xirsi faarax Wasiiru dawlaha amniga puntland waxaa kala uu sheegay mar uu ka hadlayay arimaha burcad badeedka in puntland ay hada wixii ka danbeeya ay xoog ku maquurin doonto kooxaha burcad badeedka oo baryihii danbaysay ahaa kuwa si aad ah u soo xoogaysanayay.
 
Mar uu Wasiiru dawlaha ka hadlayay warar sheegaya in Somalialand ay shaacisay in ay wax ka qaban doonto burcad badeedka ayuu tilmaamay in taasi ay tahay khalad qaawan ,isla markaana aysan somaliland wax shaqo ah ku lahayn deegaanada puntland hoos yimaada.
 
" hadii aan nahay maamulka puntland waajibaad anaga na saaran in cid kale ay ka hasho waa wax aan loo baahnan" ayuu yiri wasiiru dawlaha amniga puntland jaamac xirsi faarax xilli uu ku sugnaa magaalada garowe ee caaasimada dawlada goboleedka puntland.
shalay ayey ahayd markii kooxo burcad badeed ah oo afduub u haystay markab laga leeyahay dalka holland ay qaateen lacag madax furasho ah oo gaaraysa 1.250.000 oo dollarka maraykanka ,waxaana lacagtaasi ay ahayd mid lagu dhaxsiiyay bada dhaxdeeda.
 
hadalaka ka soo yeeray Wasiiru dawlaha amniga punland Jaamac xirsi faarax ayaa u muuqda mid iminka aanan soo kordhin karaynin wax sidaa u sii buuran maadaama burcad badeedku ay noqdoon kuwa sii aad ah ugu soo xoogaysanayay xeebaha puntland.

Feysal Maxamed Xasan
[email protected]
Bosaso, Somalia